Waa Maxay React Native?
React Native waa framework ay Meta samaysay oo kuu ogolaanaya inaad mobile applications ku dhisto JavaScript iyo React. Hal mar ayaad code-ka qortaa, iOS iyo Android labadaba ayaad ku fulisaa.
Sidoo kale loo yaqaan
React Native, React Native-ka, react native, react-native
Sharaxaad
Native development-ka, Swift ayaa loo isticmaalaa iPhone-ka, Kotlin-na Android-ka. Micnaheedu waa laba code oo kala duwan, laba team iyo laba shaqo maalin walba. React Native wuxuu ku beddelay hal codebase: JavaScript ama TypeScript ayaad qortaa, labada platform ayaadna ku fulisaa. Xitaa Mac, Windows iyo web-ka ayaa la gaari karaa.
Version-yadii hore, bridge ayaa u dhexeeyay JavaScript-ka iyo native code-ka, culaysna wuu saarayay performance-ka. Architecture-ka cusub, bridge-kaas waa laga saaray: Turbo Modules, JSI iyo Fabric ayaa keenay xawaare, animations wanaagsan iyo developer experience fudud.
Shirkado waaweyn ayaa isticmaala: Meta (Facebook Ads iyo Horizon), Microsoft (Outlook, Teams, Xbox), Amazon (Shopping, Alexa, Kindle) iyo Shopify. Sidaas darteed ecosystem-kiisu ma aha mid caadi ah.
Si aad u bilowdo: Android Studio iyo emulator, ama Expo Go oo telefoonkaaga ku shaqeeya haddii computer-kaagu awood yar leeyahay. Simulator-ka iPhone-ka Mac ayuu u baahan yahay.
Tusaale
import { View, Text } from "react-native";
export default function Home() {
return (
<View>
<Text>Salaan, Dugsiiye!</Text>
</View>
);
}
Meesha div iyo p ma yaalaan: View iyo Text ayaa u qaabilsan. Isla code-kaas ayaa iOS iyo Android ku shaqeeya.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
React Native: iOS & Android waxaad ku baranaysaa components-ka, navigation-ka, async storage iyo project dhammaystiran. Free-ga: Baro React Native Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhac iyo Sharaxaadda React Native 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- React iyo React Native ma isku mid baa?
- Isla fikradaha ayay wadaagaan: components, props iyo state. Laakiin components-ku way kala duwan yihiin: web-ka div iyo span, mobile-kana View iyo Text.
- Emulator iyo simulator farqigoodu waa maxay?
- Emulator-ku si dhow ayuu u ekaysiiyaa telefoon Android ah. Simulator-ka iOS-na waa tusaale uun, telefoonka real ah mararka qaar wuu ka duwanaan karaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay JavaScript?
JavaScript waa luqadda programming-ka ee websaydka nolol siisa. HTML-ku qaab-dhismeedka ayuu keenaa, CSS-ku quruxda, JavaScript-kuna wuxuu keenaa dhaqdhaqaaqa: button la riixo, xog la soo qaado, bog isbeddela.
Waa Maxay component?
Component waa qayb UI ah oo madaxbannaan oo dib loo isticmaali karo: header, button, card, form. React-ka page kasta components ayaa laga dhisaa, sida dhismo bulukeeti laga dhiso.
Waa Maxay framework?
Framework waa code hore loo qoray oo shaqooyinka soo laalaabta kuu diyaariya, qaab-dhismeedna u dhiga project-kaaga. Adiga waxaad ku dhex qortaa qaybta shaqadaada gaarka ah.
Waa Maxay TypeScript?
TypeScript waa JavaScript lagu daray types, oo ah in aad qeexdo nooca xogta variable ama function kastaa qaadanayo. Editor-ka iyo compiler-ku khaladka way kuu muujiyaan intaadan code-ka run-gareyn.