Waa Maxay framework?
Framework waa code hore loo qoray oo shaqooyinka soo laalaabta kuu diyaariya, qaab-dhismeedna u dhiga project-kaaga. Adiga waxaad ku dhex qortaa qaybta shaqadaada gaarka ah.
Sidoo kale loo yaqaan
framework, framework-ka, frameworks-ka, framework-yada
Sharaxaad
Bootstrap waa tusaalaha ugu fudud. CSS keligaa markaad qorto, waqti badan ayay kaa qaadanaysaa: cabbirrada, midabbada iyo responsive-ka oo dhan adiga ayaa ka fekeraya. Bootstrap wuxuu kuu keenaa class-yo horay loo diyaariyay oo dib loo isticmaali karo; magaca class-ka ayaad qortaa, isaguna wuxuu keenaa quruxdii aad saacado ku qaadan lahayd.
Framework kastaa xeer ayuu leeyahay: halka file-ashu ku jiraan, sida magacyada loo bixiyo, sida code-ka loo kala qaybiyo. Xeerkaas ayaa sabab u ah in shirkaduhu framework-yada doorbidaan, maxaa yeelay qof walba oo team-ka ka mid ah isla qaab ayuu wax u qoraa, qofka cusubna dhakhso ayuu u dhex galaa. Next.js waa full-stack framework: front-end iyo back-end hal meel ayay ku wada jiraan. React Native isaguna waa framework-ka mobile-ka.
Framework iyo library hal su'aal ayaa kala saaraysa: yaa kan kale wacaya? Library adigaa wacaya markaad u baahato. Framework isagaa code-kaaga wacaya, adiguna waxaad buuxinaysaa meelaha uu kuu daayay.
Tusaale
<button class="btn btn-primary">Diiwaan gali</button>
Class-yada btn iyo btn-primary framework-ka ayaa hore u qoray. Adiga waxaad qortaa hal sadar, natiijaduna waa badhan la isku halayn karo oo shaashad kasta ku habboon.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Framework-ka ugu badan ee suuqa laga rabo waa React: React.js Masterclass. Aasaaska CSS-ka, kaas oo framework-ku dul dhisan yahay: CSS Masterclass.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca Bootstrap 1:29:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Framework iyo library ma isku mid baa?
- Maya. Library waa qalab aad adigu wacdo markaad u baahato; framework isagaa code-kaaga wacaya oo qaab-dhismeed kugu soo rogaya. React inta badan library ayaa la yiraahdaa, Next.js-na framework.
- Framework-ka ma ka bilaabaa bilowga?
- Maya. Marka hore luqadda baro: HTML, CSS iyo JavaScript. Framework-ka waxaa loo sameeyay in shaqada laga fududeeyo qof horay u fahmay waxa hoos socda.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay library?
Library waa urur code ah oo ku siiya functions iyo components diyaar ah, si aad shaqo gaar ah ugu qabsato adigoon dib u qorin. Adigaa go'aansanaya goorta aad wacayso: library-ga adigaa maamula.
Waa Maxay CSS?
CSS (Cascading Style Sheets) waa luqadda muuqaalka website-ka lagu sameeyo: midabada, fonts-ka, kala dhexaadka, layout-ka iyo responsive-ka. HTML waa qaab-dhismeedka, CSS waa qurxinta.
Waa Maxay JavaScript?
JavaScript waa luqadda programming-ka ee websaydka nolol siisa. HTML-ku qaab-dhismeedka ayuu keenaa, CSS-ku quruxda, JavaScript-kuna wuxuu keenaa dhaqdhaqaaqa: button la riixo, xog la soo qaado, bog isbeddela.
Waa Maxay Next.js?
Next.js waa framework React ku dhisan oo ay samaysay shirkadda Vercel. Wuxuu React ku daraa routing, server rendering, API routes iyo optimization, si aad application dhammaystiran hal project ku dhisto.