Koorsadani waxay kaa baraysaa CSS laga bilaabo aasaaska ilaa farsamooyin horumarsan. Waxaad si cad u fahmi doontaa selectors, cascade & specificity, sida box model u shaqeeyo, iyo kala dambeynta display, positioning, iyo z-index.
Waxaan si qoto dheer u baran doonaa Flexbox iyo CSS Grid si aad u dhisto layouts adag oo nadiif ah, iyo responsive design adigoo adeegsanaya media queries, fluid units (rem, em, vw, vh) iyo clamp().
Waxaad sidoo kale baran doontaa typography iyo colors, CSS variables (custom properties), dark mode/theming, transitions/animations & keyframes, iyo qaab-dhismeed sida BEM si koodhkaagu u noqdo mid nadiif ah oo si fudud loo maamuli karo.
Dhamaadka koorsada, waxaan taaban doonaa accessibility-friendly styling (focus states, reduced motion) iyo DevTools debugging si aad u xalliso dhibaatooyinka layout una hagaajiso waxqabadka. Koorsadani waxay kuu diyaarin doontaa inaad si kalsooni leh u dhisto UI casri ah — oo aad kana gudubto CSS una gudubto Tailwind ama frameworks kale haddii loo baahdo.