Full-Stack MERN Development waxay ku siineysaa labada qaybood ee aad u baahan tahay si aad u dhisto MERN app dhab ah:
Qaybta 1 — Backend Engineering. Node.js, Express, iyo MongoDB. Waxaad baran doontaa sida loo dhiso REST APIs, sida loo qoro authentication (JWT, bcrypt), authorization (role-based), file uploads (Cloudinary), input validation (Zod), iyo sida loo deploy-gareeyo Render.
Qaybta 2 — Full-Stack Capstone Project. Hadda waxaad isku xireysaa frontend (React) iyo backend-kaaga adigoo dhiseysa app dhameystiran — task management dashboard oo leh authentication, CRUD, search, iyo deployment. Waxaad isticmaali doontaa React Query, Zustand, ShadCN, iyo Axios interceptors.
Dhamaadka: waxaad yeelan doontaa MERN app deployed ah, oo aad portfolio-gaaga gelin karto, ama aad bilaab kartaa SaaS ah.