Course-dan waxaad ku baran doontaa sida loo dhiso backend real ah laga bilaabo eber ilaa production. Waxaan ku bilaabaynaa Node.js iyo Express si aan u abuurno RESTful APIs nadiif ah oo la isku halayn karo.
Waxaad ku baran doontaa sida loo xiro MongoDB si xogta loo kaydiyo, loo sameeyo CRUD operations, iyo sida loo isticmaalo JWT (JSON Web Tokens) si authentication loo sameeyo.
Koorsadani waxay sidoo kale ku baraysaa sida Swagger loogu daro documentation rasmi ah, sida backend loo scale gareeyo, iyo sida loo sameeyo error handling iyo security best practices.
Dhamaadka course-kan, waxaad awoodi doontaa inaad dhisto backend buuxa oo diyaar u ah deployment.