programming-languages

Waa Maxay JavaScript?

JavaScript waa luqadda programming-ka ee websaydka nolol siisa. HTML-ku qaab-dhismeedka ayuu keenaa, CSS-ku quruxda, JavaScript-kuna wuxuu keenaa dhaqdhaqaaqa: button la riixo, xog la soo qaado, bog isbeddela.

Sidoo kale loo yaqaan
JavaScript-ka, JS, ES6

Sharaxaad

Bilowga, JavaScript wuxuu ku shaqeeyay browser-ka oo keliya. Wuxuu gaadhaa DOM-ka, oo ah geedka elements-ka bogga, wuxuuna beddeli karaa qoraal, midab, sawir iyo wax kasta oo muuqda, adigoon bogga dib u cusboonaysiin. Halkaas ayaa laga bilaabaa: variables, conditions, loops, arrays, objects iyo functions. Kadib waxaa yimaada ES6, async iyo await, iyo fetch oo API-yada wax laga soo qaado.

Maanta JavaScript wuxuu ka baxay browser-ka. Node.js ayaa u ogolaaday inuu server-ka ku shaqeeyo, sidaas darteed hal luqad ayaad frontend iyo backend labadaba ku qori kartaa. Framework-yada sida React, Next.js iyo React Native isla luqaddaas ayay ku dhisan yihiin, TypeScript-na waa JavaScript lagu daray types. Waa sababta ay tahay luqadda ugu horreysa ee lagula taliyo qofka web development bilaabaya, oo aasaaska ay ku dhisan yihiin xirfadaha xiga. Libraries sida jQuery ayaa shaqooyin qaar fududeeya, laakiin aasaaska ayaa horta muhiim ah.

Tusaale

const btn = document.querySelector("#salaan"); btn.addEventListener("click", () => { document.querySelector("h1").textContent = "Salaan, adduunyo!"; });

Saddex sadar: element ayaa la soo qabtay, dhagayste ayaa lagu dhejiyay, markii la riixana qoraalku wuu isbeddelay. Kaasi waa DOM manipulation, waana casharka ugu horreeya ee JavaScript-ka la taabto.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

JavaScript Masterclass: ES6+, DOM & Async Patterns waxay kaa bilaabaysaa variables ilaa fetch iyo API-yada. Mentorship-ka gudihiisa: Modern JavaScript.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

JavaScript DOM Manipulation 2:53:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

JavaScript ma bilaabi karaa qof aan waxba aqoon?
Haa, marka HTML iyo CSS aad taqaanno. Xafidid lama rabo; concepts-ka fahan, kadibna gacantaada ku qor mar kasta oo casharka la marayo.
JavaScript mise Python horta?
Web haddaad rabto, JavaScript. Data iyo AI-ga haddaad u socoto, Python. Labaduba logic isku mid ayay leeyihiin, syntax-ka ayaa kala duwan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska