web-development

Waa Maxay HTML?

HTML (HyperText Markup Language) waa luqadda qaab-dhismeedka bogga internet-ka lagu qoro. Tags ayay ka kooban tahay, mid walbana wuxuu sheegaa waxa qaybtaasi tahay: cinwaan, qoraal, sawir, liis ama link.

Sidoo kale loo yaqaan
HTML-ka, HTML5, HyperText Markup Language

Sharaxaad

Bog kasta oo internet-ka ah HTML ayuu ka bilaabmaa. Browser-ku file-ka ayuu akhriyaa, tag kastana wuxuu u turjumaa qayb muuqata. Waa luqad markup ah, ma aha luqad programming ah: logic iyo xisaab ma qorto, qaab-dhismeedka ayay sheegtaa. Attributes ayaa tag kasta faahfaahin dheeraad ah siiya, sida halka link-ku geynayo ama qoraalka lagu beddelayo sawirka aan soo bixin.

Saddexda aasaas ah way kala shaqo leeyihiin: HTML waa qaab-dhismeedka, CSS waa design-ka, JavaScript-na waa dhaqdhaqaaqa. Marka koodhku si semantic ah u qoran yahay, oo header, nav, main iyo footer meelahooda yaallaan, waxaa faa'iida Google-ka raadinta iyo dadka isticmaala screen readers-ka. Xitaa markaad gaadho React ama Next.js, isla HTML-kaas ayaa hoosta ku jira; AI-ga markaad wireframe siiso wuxuu soo saaraa HTML iyo Tailwind CSS, adiguna waa inaad akhrisan kartaa waxa uu qoray.

Tusaale

<article> <h1>Casharkeyga ugu horreeyay</h1> <p>Waxaan ku qorayaa <a href="/blog">blog-ga</a>.</p> </article>

Afar tag: qayb, cinwaan, qoraal iyo link. Browser-ku wuxuu ka sameeyaa bog la akhrin karo, Google-na wuxuu ka fahmaa waxa cinwaanku yahay iyo waxa uu bogga ka hadlayo.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorsada HTML5 for Beginners waxay kaa bilaabaysaa tag-ga ugu horreeya ilaa bog dhamaystiran. Mentorship-ka: HTML, CSS, Tailwind & GitHub, oo aad website-kaagii ugu horreeyay ku shubaysid.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Aasaaska Webka, HTML iyo CSS 5:25

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

HTML ma tahay luqad programming ah?
Maya, waa markup language. Wax ma xisaabiso oo go'aan ma gaadho. Logic-ga JavaScript ayaa keena, HTML-na wuxuu keenaa qaab-dhismeedka.
Intee ayay qaadanaysaa HTML barashadeeda?
Aasaaska maalmo ayuu qaadan karaa. Waqtiga real ah wuxuu ka baxaa markaad bogag dhisayso oo CSS iyo responsive design ku darayso.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska