Koorsadani waxay kaa caawin doontaa inaad si aasaasi ah u barato HTML oo aad u fahamto sida bogagga internet-ka loo dhiso. Waxaad baran doontaa sida loo isticmaalo semantic HTML si macnaha bogga si cad loo qeexo, sida loo abuuro layout nadiif ah, iyo sida loogu daro images, audio, iyo video si sax ah.
Waxa kale oo aad ku baran doontaa sida loo dhiso forms ammaan ah, loo hubiyo accessibility (a11y), iyo sida loo sameeyo SEO basics si bogaggaagu si fiican ugu muuqdaan Google iyo raadinta kale. Waxaan sidoo kale ku baraynaa best practices si aad u dhisto website nadiif ah oo si xirfad leh loo habeeyay.
Dhamaadka koorsada, waxaad awoodi doontaa inaad dhisto bogag buuxa oo diyaar u ah in lagu xiro CSS iyo JavaScript, si aad ugu gudubto React, Next.js, iyo qaybaha kale ee barnaamijka mentorship-ka.