Waa Maxay TypeScript?
TypeScript waa JavaScript lagu daray types, oo ah in aad qeexdo nooca xogta variable ama function kastaa qaadanayo. Editor-ka iyo compiler-ku khaladka way kuu muujiyaan intaadan code-ka run-gareyn.
Sidoo kale loo yaqaan
TypeScript-ka, TS, types
Sharaxaad
JavaScript-ka wax kastaa waa suurtagal ilaa uu barnaamijku fashilmo. Waxaad function u dirtaa qoraal halkii tiro laga rabay, wax cilad ahna ma soo baxayaan ilaa isticmaaluhu bogga furo. TypeScript wuxuu qaladkaas soo hor dhigaa isla markiiba: haddii nooc khaldan la marsiiyo, editor-ka ayaa xariiq casaan ah ku muujinaya. Sidaas ayay project-yada waaweyni u sii nabad gashaan marka koox ka wada shaqayso.
Faa'iido kale waa autocomplete-ka. Marka types la qeexo, editor-ku wuxuu ku tusayaa fields-ka jira iyo waxa function-ku soo celinayo, sidaas darteedna documentation-ka mar walba looma laabanayo. Waxaa loo isticmaalaa type iyo interface si loo qeexo qaabka objects-ka, generics-na si isla code-ka loogu isticmaalo noocyo kala duwan. Maanta TypeScript waa caadada suuqa: Next.js, React iyo backend-yada casriga ah dhammaantood way la yimaadaan. Waxaa lagu darsadaa marka JavaScript-ka aasaaskiisa la fahmo, ma aha ka hor.
Tusaale
type Student = { magac: string; level: number };
function salaan(s: Student) {
return "Salaan " + s.magac + ", level " + s.level;
}
Haddaad level ahaan qoraal marsiiso, editor-ku isla markiiba wuu kuu sheegayaa. Isla code-kaas JavaScript ahaan wuxuu fashili lahaa oo keliya markuu isticmaaluhu bogga isticmaalo.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Koorsada TypeScript: Types, Interfaces & Generics waxay kaa qaadaysaa types-ka aasaasiga ah ilaa generics-ka, adigoo isticmaalaya project real ah.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Barnaamijka Beginners iyo 12-ka Phase 4:26
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- TypeScript ma luqad gooni ah baa?
- Waa lakab ku dul yaal JavaScript. Marka la build-gareeyo, JavaScript ayuu noqonayaa; browser-ku TypeScript si toos ah uma fahmo.
- Ma waajib baa in la isticmaalo?
- Project yar iyo barashada bilowga looma baahna. Marka mashruucu weynaado ama koox ka wada shaqayso, types-ku waqti badan ayay badbaadiyaan oo khaladaad badan ayay hor istaagaan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay JavaScript?
JavaScript waa luqadda programming-ka ee websaydka nolol siisa. HTML-ku qaab-dhismeedka ayuu keenaa, CSS-ku quruxda, JavaScript-kuna wuxuu keenaa dhaqdhaqaaqa: button la riixo, xog la soo qaado, bog isbeddela.
Waa Maxay React?
React waa library JavaScript ah oo Meta (Facebook) samaysay, loona isticmaalo dhisidda user interface-ka websites-ka iyo apps-ka. Waa tool-ka frontend-ka ugu caansan adduunka.
Waa Maxay Next.js?
Next.js waa framework React ku dhisan oo ay samaysay shirkadda Vercel. Wuxuu React ku daraa routing, server rendering, API routes iyo optimization, si aad application dhammaystiran hal project ku dhisto.
Waa Maxay syntax?
Syntax waa xeerarka qorista ee luqad kasta oo programming ah: sida amarrada loo qoro, calaamadaha la isticmaalo iyo halka sadarku ku dhammaado. Haddaad hal calaamad ka seegto, code-ku ma fulinayo.
Waa Maxay function?
Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).