artificial-intelligence

Waa Maxay machine learning?

Machine learning waa qaybta AI-ga ee mashiinku xogta pattern kaga barto, halkii qofku xeer kasta gacanta ugu qori lahaa. Intii xogtu badnaato ayuu sii fiicnaadaa.

Sidoo kale loo yaqaan
machine learning-ka, ML, barashada mashiinka

Sharaxaad

Tusaalaha ugu caansan waa spam-ka. Waagii hore, developer-ku wuxuu qori jiray xeerar: hadduu ereygan ku jiro, spam ha loo tiriyo. Spammers-ku ereyada ayay beddeli jireen, xeerarkiina way dhici jireen. Machine learning-ku qaab kale ayuu u socdaa: boqol kun oo email ayaa la tusaa, mid walbana waa loo calaamadeeyaa spam ama spam maaha, mashiinkuna pattern-ka ayuu iskiis u helaa. Markaas email cusub markuu yimaado wuu kala saari karaa, mar kasta oo xog cusub la siiyona wuu sii fiicnaadaa.

2010-kii wixii ka dambeeyay ayay timid deep learning: halkii xeerar la qori lahaa, malaayiin sawir ayaa la tusaa, model-kuna wuxuu kala saaraa features-ka, sida edges, lines iyo curves, kadibna layer kasta wuu ka sii dhex fikiraa. Xirfadaha loo baahan yahay waxaa ka mid ah xisaab, statistics, coding iyo tools sida PyTorch. Shaqada waxaa ka mid ah training-ka, tuning-ka iyo hubinta in model-ku shaqayn karo xaalado real ah, ma aha oo keliya inuu tijaabada ku fiicnaado.

Tusaale

Model saadaalinaya haddii student-ku koorsada dhammaysanayo: waxaad siisaa xogta ardaydii hore, sida saacadaha daawashada, imtixaanadii la qaatay iyo cidda dhammaysay. Model-ku wuxuu bartaa xiriirka, kadibna ardayda cusub ayuu ka saadaalin karaa. Xeer aad gacanta ku qortay ma jiro; xogta ayaa wax lagu bartay.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Professional AI Engineer Track waxaad ku baranaysaa halka machine learning-ku ka bilaabmo iyo sida models-ka loo isticmaalo app real ah. Hordhac bilaash ah: Waa Maxay Artificial Intelligence.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Machine Learning iyo Model Tuning 8:10

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Machine learning iyo AI ma isku mid baa?
AI waa erayga guud. Machine learning waa habka ugu weyn ee maanta AI-ga lagu gaadho: xog ayaa la baraa, halkii xeerar la qori lahaa.
Xisaab xoog leh ma u baahan tahay?
Haddaad rabto inaad models tababarto, haa: xisaab iyo statistics. Haddaad rabto inaad models jira app ku dhex isticmaasho, taasi waa AI engineering, xisaabta badanina looma baahna.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska