artificial-intelligence

Waa Maxay AI engineer?

AI engineer waa qofka dhisa application-no AI la falgala oo dhibaatooyin real ah xalliya. Wuxuu ku shaqeeyaa models jira, kuwaas oo uu app-yo iyo systems production ku shaqeeya ku dhex geliyaa.

Sidoo kale loo yaqaan
AI engineer-ka, AI engineers, AI engineering

Sharaxaad

Farqiga u dhexeeya software engineering-ka caadiga ah iyo AI engineering-ka waa saadaalinta. Barnaamijka caadiga ah isla input isla output ayuu bixiyaa: sidebar-ku had iyo jeer isku qaab ayuu u muuqdaa. Model AI ah isla su'aal ayuu laba jawaab oo kala duwan u soo saari karaa. Sidaas darteed shaqada AI engineer-ku waxay ku saabsan tahay sida natiijadaas loo hago, loo tijaabiyo oo lagu kalsoonaado.

Xirfadaha waa kuwan: fahamka sida LLM-yadu u shaqeeyaan, API integration, prompt-yada wanaagsan, RAG oo lagu daro xogtaada gaarka ah, agents iyo tools, iyo ugu dambayn hubinta iyo kharashka. Ma aha in model laga tababaro eber; taasi waa shaqada machine learning engineer-ka, oo xisaab iyo statistics u baahan. AI engineer-ku badanaa developer wuxuu ka yimaadaa: JavaScript ama Python, backend, database, kadibna dhinaca AI-ga ayuu ku daraa. Waa waddada ugu dhaqso badan ee developer-ka joogaa uu AI-ga ku geli karo.

Tusaale

Shirkad waxay rabtaa in macaamiisheedu su'aalo ka weydiiyaan documents-keeda. AI engineer-ku wuxuu dhisaa RAG system: documents-ka wuu kala jarjaraa, vector database ayuu ku kaydiyaa, su'aal kastana wuxuu ka soo qaadaa qaybaha khuseeya, kadibna model-ka ayuu jawaab ka dhisaa. Model cusub lama tababarin; qaab-dhismeed ayaa la dhisay.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Professional AI Engineer Track waa waddada dhamaystiran. Haddaad rabto qaybta la dhisayo oo keliya: AI Engineering Masterclass, oo aad ku dhisayso chat app, RAG iyo agents.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Waa Maxay AI Engineer? 1:14

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

AI engineer iyo machine learning engineer maxay ku kala duwan yihiin?
Machine learning engineer-ku models ayuu tababaraa oo tuning ku sameeyaa, xisaabna wuu u baahan yahay. AI engineer-ku models jira ayuu app ku dhex dhisaa.
Ma noqon karaa AI engineer qof aan developer ahayn?
Waa inaad marka hore programming barataa. Marka JavaScript ama Python, API iyo database aad heshid, dhinaca AI-ga bilooyin ayaad ku geli kartaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska