software-engineering

Waa Maxay full stack?

Full stack waa qofka ka shaqeeya labada dhinac ee app-ka: frontend-ka user-ku arko iyo backend-ka xogta iyo logic-gu ku jiraan. Waxaa lagu daraa database-ka iyo shubidda internet-ka.

Sidoo kale loo yaqaan
full-stack, full stack-ga, full stack developer

Sharaxaad

Erayga stack wuxuu ka hadlayaa lakabyada isku dul saaran ee app-ku ka kooban yahay. Hoosta waxaa yaal database-ka, kadib server-ka iyo API-ga, kadibna interface-ka browser-ka lagu arko. Qof full stack ah waa mid marka feature la weydiiyo ka fikiri kara xogta qaabkeeda, endpoint-ka loo baahan yahay iyo bogga uu ku muuqan doono, kadibna saddexdaas dhisa.

Stack-ga ugu caansan Af-Soomaali laguna baro waa MERN: MongoDB, Express, React iyo Node.js. Waa wado macquul ah, maxaa yeelay hal luqad, JavaScript, ayaa meel walba loo isticmaalaa. Waddada barashadu waa marxalado: HTML iyo CSS, JavaScript, Git iyo GitHub, Tailwind, React, database, Node.js iyo Express, kadibna TypeScript iyo Next.js. Marxalad kasta waa in la dhammaystiro kadibna la sii gudbo; markaad tan hore fahamto ayay tan xigtaa macno yeelanaysaa. Marka dhammaadka la gaadho, waxaad awoodaa inaad project dhamaystiran gacantaada ku dhisto oo aad internet-ka saarto.

Tusaale

App liiska shaqooyinka ah: React ayaa bogga sameeya, Express ayaa endpoint-yada soo saara, MongoDB ayaa shaqooyinka kaydiya, authentication-na waa laga dhex sameeyaa. Marka aad afartaas isku xirto oo aad hosting-ka saarto, waxaad dhistay app full stack ah.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

MERN Stack: React, Node & MongoDB waa koorsada la dhisayo. Waddada dhamaystiran ee marxalad marxalad ah: The Modern Full Stack MERN Developer.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca barnaamijka Full Stack Software Engineer 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Full stack ma micnaheedu waa wax walba aan aqaan?
Maya. Waxaa loola jeedaa inaad labada dhinac ka shaqayn karto oo aad app dhamaystiran dhisi karto. Meel gaar ah oo aad ku fiicnaato ayaad weli yeelanaysaa.
Intee ayay qaadataa?
Waxay ku xiran tahay waqtiga aad maalintii siiso iyo projects-ka aad gacanta ku dhisto. Waxa xawaaraha kordhiya waa in marxalad kasta la dhammaystiro ka hor inta aan tan xigta la bilaabin.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska