web-development

Waa Maxay backend?

Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.

Sidoo kale loo yaqaan
backend-ka, back-end, backend development

Sharaxaad

Marka aad frontend baratay, tallaabada xigta waa backend-ka. Waxaad ka bilaabaysaa database-ka: sida xogta loo qaabeeyo, loo kaydiyo, loona soo raadiyo. Kadib waxaad dhisaysaa server, badanaa Node.js iyo Express, oo routes leh: mid xogta soo qaadaya, mid cusub abuuraya, mid beddelaya, mid tiraya. Ugu dambayn, backend-ka iyo frontend-ka ayaad isku xiraysaa; markaas ayaad noqonaysaa qof full stack ah oo app dhamaystiran internet-ka saari kara.

Backend-ku wuxuu qabtaa shaqooyinka aan client-ka lagu aamini karin: authentication, ogolaanshaha rol-ka user-ka, xisaabinta lacagta iyo credits-ka, wicitaanka API-yada dibadda, iyo qarinta keys-ka. Sidoo kale wuxuu qabtaa shaqooyinka culus ee gadaal ka socda, sida emails-ka la diro iyo hawlaha jadwalka leh. Xirfadaha xiga marka aasaasku dhammaado waa TypeScript, testing, caching iyo deployment-ka. Waa dhinaca ay ku jiraan go'aannada ugu muhiimsan ee mashruuca.

Tusaale

app.post("/api/orders", async (req, res) => { const user = await hubiUser(req); if (!user) return res.status(401).json({ khalad: "Ma gelin" }); const order = await Order.create({ user: user.id, ...req.body }); res.json(order); });

Codsigu wuu yimid, user-ka ayaa la hubiyay, xogtii ayaa database-ka gashay, jawaabna waa la soo celiyay. Hubinta halkaas ayay ku jirtaa, ma aha browser-ka.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Node.js Backend: Build Production-Ready REST APIs ayaa aasaaska ah. Mentorship-ka gudihiisa: Backend with Node.js, Express & MongoDB.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Barnaamijka Beginners iyo 12-ka Phase 4:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Backend iyo server ma isku mid baa?
Server waa mashiinka ama barnaamijka codsiyada dhagaysanaya. Backend waa dhammaan dhinaca gadaal: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga.
Frontend horta mise backend?
Frontend horta ayaa fudud, maxaa yeelay natiijada isla markiiba waad aragtaa. Marka JavaScript-ku kugu adkaado, backend-ka u gudub; kadibna labada isku xir.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska