Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.
Sidoo kale loo yaqaan
API-ga, API-yada, Application Programming Interface
Sharaxaad
Fikradda API-gu waa mid fudud. Halkii aad code-ka database-ka app kasta ku dhex qori lahayd, hal meel ayaad functions-ka ku diyaarisaa, kadibna qof kastaa halkaas ayuu ka codsadaa. Qofka mobile-ku isla function-kaas ayuu wacaa, qofka web-kuna isla function-kaas; hal backend ayaa markaas u adeega web, iOS iyo Android. Waa sababta ay muhiim u tahay in developer-ku API-ga si fiican u fahmo.
Internet-ka, API-gu wuxuu ku socdaa HTTP: endpoint (URL), method (GET, POST, PUT, DELETE) iyo xog inta badan JSON ah. Markaad login dhahdo, browser-ku POST ayuu u diraa endpoint-ka login-ka; server-ku wuu hubiyaa, jawaabna wuu soo celiyaa. API-yada dibadda sida OpenAI, Stripe iyo OpenRouter isla qaabkaas ayay u shaqeeyaan, laakiin API key ayay ku weydiiyaan si loo aqoonsado cidda wacaysa oo isticmaalka loo xisaabiyo.
Tusaale
const res = await fetch("https://api.example.com/posts");
const posts = await res.json();
Hal codsi ayaa dhacay: server-ku xogta database-ka ayuu ka soo qaaday, JSON ahaan ayuu kuu soo celiyay, frontend-kuna wuu soo bandhigayaa. Sida gudaha loogu shaqeeyay ma taqaanid, kumana baahnid inaad taqaano. Taasi waa ujeeddada API-ga.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
API real ah oo leh routes, database iyo authentication ayaad ku dhisaysaa koorsada Node.js Backend & REST API. Dhinaca isticmaalka, casharrada bilaashka ah ee YouTube-ka waxaa ku jira hordhaca API-ga iyo connection-ka.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Hordhaca API iyo Connection 3:21:03
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- API iyo backend ma isku mid baa?
- Backend-ku waa dhammaan dhinaca server-ka: database-ka, logic-ga iyo amniga. API-gu waa albaabka kaliya ee backend-ku banaanka ugu furan yahay. Backend la'aan API ma jiro.
- API key maxay tahay?
- Waa fure gaar ah oo aad ka qaadato adeegga aad wacayso, si loo ogaado cidda codsanaysa. Marnaba code-ka client-ka ha ku qorin; server-ka iyo file-ka .env ayuu ku habboon yahay.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay server?
Server waa computer had iyo jeer shaqaynaya oo aqbala requests-ka ka yimaada isticmaalayaasha, database-ka xogta ka soo qaada, jawaabtana soo celiya. Waa dhinaca aan user-ku arkin ee app-ka.
Waa Maxay backend?
Backend waa dhinaca app-ka ee user-ku aanu arkin: server-ka, database-ka, logic-ga iyo amniga. Halkaas ayaa xogta lagu kaydiyaa, laguna hubiyaa, kadibna frontend-ka loogu soo diraa API.
Waa Maxay JSON?
JSON (JavaScript Object Notation) waa qaab qoraal ah oo xogta lagu kala qaado barnaamijyada. Waa luqadda dhexe ee server-ka iyo frontend-ku isku fahmaan, dadkuna akhriyi karaan.
Waa Maxay API key?
API key waa xarfo iyo lambarro adeeg API ah kuu siiyo si markaad wacdo uu kuu aqoonsado. Waa furaha albaabka: qofkii haysta ayaa magacaaga ku isticmaali kara adeegga.
Waa Maxay SaaS?
SaaS (Software as a Service) waa barnaamij internet-ka laga isticmaalo oo si joogto ah ama credits ahaan lagu bixiyo, halkii nuqul la iibsan lahaa oo computer-ka la shubi lahaa.