Waa Maxay API key?
API key waa xarfo iyo lambarro adeeg API ah kuu siiyo si markaad wacdo uu kuu aqoonsado. Waa furaha albaabka: qofkii haysta ayaa magacaaga ku isticmaali kara adeegga.
Sidoo kale loo yaqaan
API key, API key-ga, API keys, API key-gaaga
Sharaxaad
Markaad rabto inaad model AI ah ku isticmaasho application-kaaga, marka hore account ayaad ka samaysanaysaa bixiyaha, kadibna API key ayuu ku siinayaa. Key-gaas ayaad request kasta ku raacisaa, adeeguna wuxuu ku ogaanayaa cidda wacaysa iyo inta ay isticmaashay.
OpenRouter tusaale wanaagsan ayuu u yahay. Bedelkii aad key gooni ah uga soo qaadan lahayd OpenAI, Anthropic, DeepSeek iyo kuwa kale, hal key ayaad ka heshaa, models badanna hal meel ayaad kaga isticmaashaa. Waxaa jira models bilaash ah oo isla key-gaas lagu tijaabin karo.
Xeerka amniga waa hal sadar: API key marnaba code-ka client-ka ha gelin, GitHub-kana ha saarin. Waxaad gelisaa file-ka .env, kadibna .gitignore ku dartaa. Server-ka ayaa API-ga wacaya, browser-kuna key-ga ma arko. Haddii key baxo, isla markiiba tirtir oo mid cusub samayso.
Tusaale
# .env.local
OPENROUTER_API_KEY=sk-or-xxxxxxxx
Code-ka server-ka ayaad ku akhrisaa process.env.OPENROUTER_API_KEY, kadibna request-ka ayaad ku raacisaa. Sidaas, key-gu computer-kaaga iyo server-ka ayuu ku hadhaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
API keys, routes iyo amniga backend-ka: Node.js Backend & REST API. Models-ka, providers-ka iyo dhisidda app-yada AI-ga: AI Engineering Masterclass.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Sida loo sameysto API Keys (OpenRouter & Server.def) 10:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- API key haddii uu baxo maxaa dhacaya?
- Qof kale ayaa magacaaga ku isticmaali kara adeegga, isticmaalkaasna adiga ayaa lagugu xisaabinayaa. Isla markiiba key-ga tirtir, mid cusub samayso, oo hubi in file-ka .env uusan git ku jirin.
- API key iyo password ma isku mid baa?
- Maya. Password waa adiga oo gala; API key waa barnaamijkaaga oo gala. Laakiin qarsoodinimadooda isku mid ayay tahay: labadaba qofna ha arkin.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay security?
Security waa ilaalinta app-ka iyo xogta isticmaalayaasha: cidda gali karta, waxa ay arki karto, iyo sida xogtu u kaydsan tahay. Waa qayb ka mid ah dhismaha app-ka, ma aha wax dabadeed lagu daro.
Waa Maxay server?
Server waa computer had iyo jeer shaqaynaya oo aqbala requests-ka ka yimaada isticmaalayaasha, database-ka xogta ka soo qaada, jawaabtana soo celiya. Waa dhinaca aan user-ku arkin ee app-ka.
Waa Maxay DeepSeek?
DeepSeek waa shirkad Shiineys ah oo soo saartay models AI ah oo open source ah, kuwaas oo computer-kaaga lagu run-gareyn karo. Model-kooda ugu caansan waa R1, kaas oo reasoning sameeya.