software-engineering

Waa Maxay security?

Security waa ilaalinta app-ka iyo xogta isticmaalayaasha: cidda gali karta, waxa ay arki karto, iyo sida xogtu u kaydsan tahay. Waa qayb ka mid ah dhismaha app-ka, ma aha wax dabadeed lagu daro.

Sidoo kale loo yaqaan
security-ga, cyber security, amniga app-ka

Sharaxaad

Xogta dadku ku aaminaan app-kaaga, email-ka, telefoonka, sawirrada iyo lacagta, waa amaanad. Applications badan ayaa dumay sababtoo ah database-ka bannaanka ayaa loo daayay. Tusaale caan ah: app la sameeyay oo qofka dhisay uusan is-weydiin code-kani ma secure baa, kadibna xogtii isticmaalayaasha oo dhan bannaanka ayaa la keenay: sawirro, ID iyo information shakhsi ah. Fikraddu way fiicnayd, dhismihiisu daciif ahaa.

Xeerarka aasaasiga ah waa kuwan: password-ka caadi ha u kaydin, hash isticmaal. API keys-ka .env ku hay, GitHub-na ha gelin. User kastaa xogtiisa oo keliya ha arko, taasina waa authorization, ma aha authentication oo keliya. Waxa user-ku soo diro lama aamini karo, waa la hubiyaa (validation). Rate limits saar si qofna server-kaaga culays aan loo baahnayn u saarin. Marka AI-gu code kuu qoro, review-gaagu waa lagama maarmaan: library-yada uu doortay hubi, socodka xogta tijaabi, kadibna ship-garee.

Tusaale

// khalad: key-gu code-ka ayuu ku jiraa, browser-kana wuu tagayaa const key = "sk-live-a1b2c3..."; // sax: key-gu server-ka ayuu ku hadhayaa const key = process.env.OPENAI_API_KEY;

Midka kowaad qof kastaa arki karaa oo lacagtaada ku isticmaali karaa. Midka labaad browser-ka gaari maayo, .env-na git-ka lagama raaco.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Aasaaska backend-ka, oo amnigu ka bilaabmo: Node.js Backend & REST API. Sababta review-gu muhiim u yahay: Vibe Coding iyo Agentic Coding. Xirfadaha suuqu doonayo: Xirfadaha 2026 Xilliga AI

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Cyber Security iyo Threat Analysis 17:27

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Cyber security ma xirfad gooni ah baa?
Haa. Waa waddo shaqo oo leh threat analysis, network security iyo ethical hacking. Xilliga AI-ga iyo vibe coding-ka, baahideedu way kordhaysaa.
Developer intee ayuu security ka yaqaannaa?
Aasaaska waa waajib: authentication, secrets, validation iyo backup. Heerarka sare takhasus ayay u baahan yihiin, waana halka khubaradu ka bilaabmaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska