artificial-intelligence

Waa Maxay model?

Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.

Sidoo kale loo yaqaan
model-ka, models-ka, AI model

Sharaxaad

Marka la yiraahdo "AI-ga", inta badan waxaa la wadaa model. Model-ku waa natiijada training-ka: xog badan oo internet-ka, buugaag iyo code ah ayaa la siiyaa, wuxuuna bartaa qaabka erayadu isugu xigaan. Markaad prompt u dirto, wuxuu saadaaliyaa token-ka xiga, kadib kan xiga, ilaa jawaabtu dhammaato. Sidaas ayuu qoraal, code iyo xitaa sawir ku soo saaraa.

Models-ku laba nooc ayay yihiin: kuwa shirkad gaar ah leedahay oo API ahaan loo isticmaalo, sida GPT iyo Claude, iyo kuwa open source ah oo computer-kaaga ku run-gareyn karto, sida LLaMA iyo DeepSeek. Model kasta wuxuu leeyahay awood iyo daciifnimo: mid waa fast, mid waa smart, midna lacag yar ayuu ku shaqeeyaa. Sidaas darteed AI engineer-ku model-ka shaqada ku habboon ayuu doortaa, ma aha in hal model wax walba loo isticmaalo.

Tusaale

Application chat ah haddaad dhisayso, model-ka ayaa jawaabaha soo saaraya, adiguna API ayaad ku wacaysaa. Waxaad u dirtaa prompt-ka user-ka iyo context-ka, wuxuu kuu soo celiyaa jawaab. Model-ka aad doorato ayaa go'aaminaya tayada jawaabta, xawaaraha iyo qiimaha.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

AI Engineering Masterclass waxaad ku baranaysaa sida models-ka kala duwan loo isticmaalo, loona isbarbardhigo, adigoo dhisaya chat app, RAG system iyo agents.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Waa Maxay Large Language Models (LLMs)? 1:03

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Model iyo LLM ma isku mid baa?
LLM (Large Language Model) waa nooc model ah oo luqadda ku takhasusay. Model waa erayga guud; LLM waa kan qoraalka fahma oo soo saara.
Model-ka ugu fiican waa kee?
Ma jiro mid wax walba ugu fiican. Su'aalaha adag Claude iyo GPT ayaa ku fiican, xawaaraha Gemini Flash, computer-kaaga local-ka DeepSeek iyo LLaMA. Shaqada ayaa go'aaminaysa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska