artificial-intelligence

Waa Maxay LLM?

LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale loo yaqaan
LLM-ka, LLMs, Large Language Model

Sharaxaad

Saddex arrin ayaa large ka dhigaysa. Kow, xogta lagu tababaray: trillions oo eray oo internet-ka, buugaag, articles iyo code repositories laga soo ururiyay. Laba, parameters-ka, oo ah aqoonta model-ku xasuusto; intii ay parameters-ku badnaadaan ayuu fahamku sii xoogaystaa, laakiin kharashka iyo daahitaanka jawaabta ayaa sidoo kale kordha. Saddex, computational scale: bilo iyo kumanaan GPU ayaa lagu tababaraa, taasna waa sababta aan qof walba model weyn u tababari karin.

Ka hor 2020, model gaar ah ayaa turjumaadda qaban jiray, mid kalena kooborinta, mid kalena code-ka. LLM-ku wuxuu keenay foundation model: hal model oo shaqooyin badan qabta. Turjumaad, kooborin, su'aal iyo jawaab, falanqayn iyo qorista code-ka, dhammaantood hal model ayaa qabta. Developer ahaan, awooddaas oo dhan hal API call ayaad ku gaadhaysaa; markaas ayay noqotaa mid app-kaaga la geli karo.

Tusaale

Markaad LLM-ka weydiiso "React component ii samee oo search bar autocomplete leh ah", wuxuu soo saaraa component-ka, state-ka iyo filter-ka. Jawaabta horay uma xafidin; wuxuu saadaaliyaa token-ka xiga, kadib kan xiga, ilaa ay dhammaato. Sidaas ayay u dhacdaa jawaab kasta oo uu soo bixiyo.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Aasaaska LLM-yada iyo sida app-yo lagu dhiso: AI Engineering Masterclass. Cashar bilaash ah oo hordhac u ah: Waa Maxay LLMs.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Waa Maxay Large Language Models (LLMs)? 1:03

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

LLM iyo model ma isku mid baa?
Model waa erayga guud ee dhammaan barnaamijyada AI-ga lagu tababaray. LLM waa nooc model ah oo luqadda ku takhasusay. Model kastaa LLM ma aha.
LLM-ku miyuu run sheegaa mar walba?
Maya. Erayga xiga ayuu saadaaliyaa, sidaas darteedna mararka qaar wuxuu soo saaraa jawaab qurux badan oo khaldan. Xogta muhiimka ah had iyo jeer hubi.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska