software-engineering

Waa Maxay SaaS?

SaaS (Software as a Service) waa barnaamij internet-ka laga isticmaalo oo si joogto ah ama credits ahaan lagu bixiyo, halkii nuqul la iibsan lahaa oo computer-ka la shubi lahaa.

Sidoo kale loo yaqaan
SaaS, SaaS-ka, software as a service

Sharaxaad

Waagii hore, software CD ayaa lagu iibin jiray, computer-kaagana ayaad ku shubi jirtay. SaaS-ku wuu beddelay: browser-ka ayaad ka isticmaashaa, cusboonaysiintuna toos ayay kuu timaaddaa. Netflix, Canva, Notion iyo ChatGPT dhammaantood waa SaaS.

Dhinaca dhisidda, SaaS wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood: account iyo login, plans iyo bogga pricing-ka, nidaam lacag qaadis, iyo xisaab la socota isticmaalka. App-yada AI-ga, inta badan credits ayaa la isticmaalaa: user-ku credits ayuu qaataa, shaqo kastana wax bay ka jartaa. Sababtu waa in model-ku isagu lacag ku baxo, sidaas darteed waa inaad ogaataa inta kaa baxaysa iyo inta aad qaadanayso.

Xeer muhiim ah: xisaabta credits-ka server-ka ku samee, ha ku samayn browser-ka, maxaa yeelay code-ka client-ka waa la beddeli karaa. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in adeeggu joogto ahaado: cloud, backups iyo la-socodka ciladaha.

Tusaale

App AI ah oo sawirka code u beddela: user-ku account ayuu sameeyaa, credits ayuu qaataa, kadibna mar walba oo uu generate dhaho, server-ka ayaa credits ka jaraya kadibna model-ka waca. Marka credits-ku dhammaadaan, bogga pricing-ka ayaa la tusayaa si uu dib u buuxsado.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

SaaS full stack ah oo AI ku dhex jiro, credits, plans, lacag qaadis iyo cloud storage: Build SaaS Apps Full Stack.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Sida uu u Shaqeeyo SaaS App-ka (Demo) 5:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

SaaS iyo website caadi ah farqigoodu waa maxay?
Website-ku macluumaad ayuu bixiyaa. SaaS-ku shaqo ayuu qabtaa: accounts ayuu leeyahay, isticmaalkana waa la xisaabiyaa.
SaaS keligay ma dhisi karaa?
Haa. Qofka full-stack-ka ah keligiis wuu dhisi karaa: frontend, backend, database, lacag qaadis iyo deployment. Ku bilow fikrad yar oo hal shaqo si fiican u qabata.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska