artificial-intelligence

Waa Maxay AI?

AI (artificial intelligence) waa systems computer ah oo qabta shaqooyin caqli bini'aadam u baahan: luqad fahmid, sawir aqoonsi, saadaalin iyo go'aan gaarid. Maanta inta badan waxaa lagu gaadhaa models xog aad u badan lagu tababaray.

Sidoo kale loo yaqaan
AI-ga, artificial intelligence, caqli macmal

Sharaxaad

AI-gu ma aha hal shay. Hoostiisa waxaa ku jira machine learning, oo mashiinku xogta pattern kaga barto, iyo deep learning oo neural networks isticmaala. LLM-yada sida ChatGPT iyo Claude waa natiijada ugu caansan: qoraal ayay fahmaan oo soo saaraan, code way qoraan, xogna way falanqeeyaan. Agents-ka ayaa tallaabada xigta: model la siiyay tools, oo shaqo sii wata ilaa ay dhammaato.

Labada waji ee barashada waa kuwan. Core AI waa dhinaca models-ka la tababaro, xisaabta iyo cilmi-baadhista. Applied AI ama AI engineering waa dhinaca models-ka jira lagu dhex dhiso app-yo dadku isticmaalaan: API integration, RAG, agents iyo systems production ku shaqeeya. Developer-ka inta badan dhinaca labaad ayaa u dhaqso badan, maxaa yeelay uma baahna GPU kumanaan ah iyo bilo tababar ah. Waxaad u baahan tahay aasaas programming ah, API fahankiisa iyo qorshe cad.

Tusaale

App AI ah oo aad dhisayso: user-ku su'aal ayuu qoraa, server-kaagu wuxuu u diraa model-ka API ahaan, jawaabtana wuu soo celiyaa. Marka aad ku darto tools, sida raadinta internet-ka ama akhrinta files, wuxuu noqdaa agent. Xogtaada gaarka ah haddaad ku darto, wuxuu noqdaa RAG system.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

AI Engineering Masterclass waxaad ku dhisaysaa chat app, RAG system iyo agents. Waddada buuxda: Professional AI Engineer Track.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca taxanaha barashada AI 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

AI ma qaadan doonaa shaqada developer-ka?
Qofka AI-ga isticmaala ayaa ka dheereeya qofka aan isticmaalin. Fahamka code-ka, qorshaynta iyo hubinta natiijada weli qofka ayaa iska leh.
Xagee laga bilaabaa AI-ga?
Programming aasaas ah, kadib API, kadibna LLM app yar oo aad gacantaada ku dhisto. Xisaabta culus wax badan laguma bilaabo.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska