web-development

Waa Maxay authentication?

Authentication waa habka lagu hubiyo cidda isticmaaluhu yahay ka hor inta aan la gelin app-ka. Waa jawaabta su'aasha "yaad tahay?", oo ka duwan authorization oo ah "maxaad samayn kartaa?".

Sidoo kale loo yaqaan
authentication-ka, auth, login

Sharaxaad

Qaabka ugu fudud waa email iyo password. User-ku wuxuu form buuxiyaa, server-ku wuxuu password-ka barbar dhigaa kan database-ka ku hashed ah, hadduu saxo session ama token ayuu bixiyaa. Token-kaas, badanaa JWT, ayuu browser-ku la socdaa codsi kasta, sidaas darteedna server-ku wuu garanayaa cidda hadlaysa iyada oo aan password-ka mar kale la weydiin.

Qaabka labaad waa social login: Google, GitHub, Facebook ama Apple. Halkii aad password maamuli lahayd, shirkadaha ayaa hubinta qabta, adigana waxaad hesha aqoonsi la hubiyay. Libraries sida NextAuth ayaa arrintaas fududeeya; providers ayaad qeexdaa, adapter database ah ayaad ku xidhaa, kadibna session-ka ayaad app-ka ku dhex isticmaashaa. Xeerarka aan la jabin: password marnaba qoraal cad looma kaydiyo, hubintana server-ka ayaa lagu sameeyaa, ma aha client-ka. Waxaa lagu daraa xaddidaad tijaabooyinka login-ka si aan qofna si joogto ah u tijaabin.

Tusaale

const session = await auth(); if (!session) redirect("/login");

Laba sadar oo server-ka jooga. Hadduu session jirin, user-ka waxaa loo diraa bogga login-ka; hadduu jirona, waa la sii daayaa. Isla hubintaas oo client-ka la sameeyo waa la beddeli karaa, sidaas darteedna qofna kuma aaminayo.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Node.js Backend: Build Production-Ready REST APIs waxaad ku baranaysaa registration, login, hashing-ka password-ka, tokens-ka iyo ilaalinta routes-ka.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Dhisidda Login Page-ka iyo Isku-xirka Google Auth 27:22

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Authentication iyo authorization maxay ku kala duwan yihiin?
Authentication waa hubinta cidda aad tahay. Authorization waa go'aanka waxa aad gaadhi karto marka la ku aqoonsado, sida rol admin ah oo bogag gaar ah furan.
Password-ka sidee loo kaydiyaa?
Marnaba qoraal cad. Waxaa la marsiiyaa hash algorithm sida bcrypt, kadibna natiijada ayaa la kaydiyaa. Xitaa database-ka haddii la arko, password-ka lama akhrin karo.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska