Waa Maxay NodeJS
Node.js waa JavaScript runtime environment oo kuu oggolaanaya inaad JavaScript ku run gareyso dhinaca server-ka, halkii ay hore ugu shaqeyn jirtay oo keliya browser-ka.

Node.js waa JavaScript runtime environment oo kuu oggolaanaya inaad JavaScript ku run gareyso dhinaca server-ka, halkii ay hore ugu shaqeyn jirtay oo keliya browser-ka. Taas micnaheedu waa in hadda JavaScript aysan ku ekeyn dhisida UI, balse ay awood u leeyahay inay dhisto backend, APIs, iyo xitaa servers buuxa.
Node.js waxaa dhisay Ryan Dahl 2009, isagoo doonayay inuu sameeyo nidaam degdeg ah oo aan hakad gelin marka ay timaado hawlo badan (I/O operations). Halkii uu sugilahaa hawl walba in ay dhamaato (sida file read ama network call), Node.js wuxuu adeegsadaa non-blocking asynchronous model. Taas waxaa macnaheedu yahay in code-kaagu u run garoobo si aan joogsi lahayn — sida makhaayad hal qof u adeegayo dad badan, laakiin si caqliyeysan u kala maamula.
Waxa uu ku shaqeeyaa Event Loop, kaas oo maamula dhammaan hawlaha — wuxuu soo dirayaa requests, wuxuu sugaa jawaab, wuxuuna qabtaa events iyadoo aan waqtiga la lumin. Taas ayaa ka dhigaysa mid aad ugu fiican mashruucyada u baahan degdeg iyo isku xirnaan badan, sida chat apps, APIs, ama real-time dashboards.
Node.js wuxuu leeyahay ecosystem weyn oo lagu magacaabo npm (Node Package Manager). Waa suuq weyn oo libraries ah, halkaas oo aad ka heli karto wax walba oo barnaamijkaaga u baahan yahay — authentication, payment, caching, ama image upload.
Bal qiyaas makhaayad ay dad badan soo galaan. Node.js waa adeegaha oo hal qof ah, laakiin adeegsada farsamooyin si uu u qabto dhowr dalab isku mar. Halkii uu mid sugilahaa inuu dhammeeyo, wuxuu u diri doonaa mid kale inta kan hore lagu jiro karinta — taas waa asynchronous power-ka Node.js.
Node.js waa garaadka cusub ee backend-ka. Waa halka JavaScript ku noqotay luuqad buuxda — laga bilaabo browser ilaa server. Qof kasta oo developer ah waa inuu fahmaa Node.js, sababtoo ah waa jidka ugu degdeg badan ee lagu gaari karo backend adag oo la jaanqaada dunida casriga ah.
More Reading
More like this.
Programming Languages10-ka Programming Languages Ugu Fiican 2026
Dib u eegista 10-ka luqadood ee ugu fiican 2026—Python, TypeScript, Go, Rust iyo kuwo kale. Ogow sababta ay muhiim u yihiin iyo halka ay ka shaqeeyaan.
Programming LanguagesWaa Maxay JavaScript
JavaScript waa luuqadda nolosha siisay web-ka. Haddii HTML ay tahay laf-dhabarta dhismaha, CSS ay tahay qurxinta, JavaScript waa maskaxda dhaqaajisa — waa halka ficilka, isbeddelka iyo falcelinta dhabta ah ay ka bilaabmaan.
Programming LanguagesWaa maxay TypeScript
TypeScript waa superset ka mid ah JavaScript oo ay sameysay Microsoft si ay u xoojiso amniga iyo nadiifnimada code-ka.


