Sida Loo Yareeyo Token-ka Claude Code

Waa run in Claude Code limit-kiisa ciyow la gaaro, gaar ahaan haddii aad isticmaasho plans-ka yar-yar sida midka 20-ka dollar ah. Laakiin inta badan caqabadu waxay noqon kartaa sida aad u isticmaasho.

Sida Loo Yareeyo Token-ka Claude Code

Waa run in Claude Code limit-kiisa ciyow la gaaro, gaar ahaan haddii aad isticmaasho plans-ka yar-yar sida midka 20-ka dollar ah. Laakiin inta badan caqabadu waxay noqon kartaa sida aad u isticmaasho. Prompt aan caddayn, chat aad u dheer, iyo in mar kasta wax walba dib looga bilaabo waxay gubaan tokens badan. Tani waxay keentaa in limit-ku si degdeg ah kuugu dhammaado.

Haddii aad barato dhowr caado oo fudud, waxaad heli kartaa jawaabo ka wanaagsan, waxaad dhimi kartaa isticmaalka tokens-ka, waxaadna kordhin kartaa waqtiga aad Claude Code isticmaali karto.

Waa kuwan 25 talo oo aan anigu isticmaalo:

  1. Qorshee shaqadaada ka hor intaadan furin Claude Code. Ogaaw waxa saxda ah ee aad rabto inuu kuu qabto.

  2. Hal shaqo hal mar u dir. Ha isku darin bug fixing, feature cusub, iyo refactoring hal prompt haddii aysan isku xirnayn.

  3. Prompt-gaaga ha noqdo mid gaaban oo cad. Ha qorin sheeko dheer haddii dhowr sadar ay ku filan yihiin.

  4. U sheeg Claude Code waxa aad rabto inuu sameeyo, halkii aad u sheegi lahayd taariikhda project-ga oo dhan.

  5. Haddii uu bug jiro, u dir file-ka ama function-ka dhibaatadu ka jirto. Looma baahna repository-ga oo dhan. Isticmaal "@file" si aad si toos ah ugu tilmaanto.

  6. Ha dhihin "dib u qor wax walba". Ku dheh "hagaaji qaybtan" ama "wax ka beddel function-kan."

  7. Haddii aad rabto dhowr shaqo oo isku xiran, ku qor hal fariin. Tusaale ahaan, sharax bug-ga, hagaaji, kadibna qor test. Qodobkan iyo #2 way is dhammaystiraan: kuwa aan xiriir lahayn kala sooc, kuwa xiriir leh isku dar.

  8. Ka fikir prompt-kaaga ka hor intaadan dirin. Hal prompt oo fiican ayaa ka fiican shan prompt oo is daba joog ah.

  9. Shaqo cusub? Isticmaal "/clear" oo bilow mid cusub. Ha ku sii wadin chat hore oo aad u dheer.

  10. Haddii chat-ku dheeraado, isticmaal "/compact" halkii aad gacanta summary uga samayn lahayd. Waxaad ku dari kartaa diirad sida "/compact "focus on the auth fix"". Isticmaal "/context" si aad u aragto waxa context-ka cunaya.

  11. Isticmaal Markdown (".md") ama text marka ay suurtagal tahay. Way ka fudud yihiin PDF-yada waaweyn, waxaadna badbaadin tokens badan.

  12. Ha siin files badan haddii aan loo baahnayn. Sii kaliya waxa shaqada markaas aad wado quseeya.

  13. Sheeg stack-ga ama technology-ga aad isticmaalayso sida Next.js, React, Python, Rust, ama Node.js si Claude Code u bixiyo code sax ah.

  14. Haddii aad leedahay coding style ama architecture gaar ah, ku dar "CLAUDE.md". Haddii uusan jirin, isticmaal "/init" si uu kuugu abuuro. Hana ka dhigin mid aad u dheer.

  15. Mashruuc weyn? Marka hore u dir inuu sameeyo qorshe. Ha bilaabin code ilaa aad qorshaha ansixiso.

  16. Marka shaqadu dhammaato, u dir summary kooban ama isticmaal "/compact". Haddii xogta loo baahan doono sessions-ka dambe, geli "CLAUDE.md".

  17. Ha siin logs aad u dhaadheer. Soo saar qaybta error-ka muhiimka ah oo keliya.

  18. Haddii command uu fashilmo, u dir output-ka error-ka halkii aad ka odhan lahayd "ma shaqaynayo."

  19. Isticmaal Claude Code si uu wax u dhiso ama u hagaajiyo, ee ha u isticmaalin inuu akhriyo mashruuca oo dhan mar kasta. Haddii uu mashruucu weyn yahay, isticmaal subagents si ay u soo celiyaan summary halkii ay context-ka oo dhan buuxin lahaayeen.

  20. Mar kasta sii xuduud cad. U sheeg waxa uu qabanayo, waxa aanu taabanayn, iyo nooca jawaabta aad rabto inuu soo celiyo.

  21. Ka hor intaadan bilaabin session cusub, dib u eeg summary-gii session-kii hore ama isticmaal "--continue" ama "--resume" si aad si toos ah ugu noqoto meeshii aad ka tagtay.

  22. Haddii mashruucu soconayo muddo dheer, ku hay qorshaha iyo tasks-ka "PLAN.md" ama "TODO.md" halkii ay chat-ka ku jiri lahaayeen.

  23. Ha ku odhan "eeg mashruuca oo dhan." U sheeg qaybta saxda ah ee aad rabto inuu sahamiyo, kana reeb qaybaha aan shaqada quseyn.

  24. Marka hore u dir inuu sharaxo sababta dhibaatadu u dhacday, kadibna ha bixiyo xalka. Tani waxay yaraynaysaa dib-u-hagaajin badan.

  25. Ha u isticmaalin Claude Code sidii search engine. U isticmaal sidii programming partner. Sii amar cad, scope cad, iyo natiijada aad rabto.

Ma jiro hal kaliya trick oo badbaadinaya tokens-ka. Waxa isbeddelka sameeya waa caadooyinka yaryar ee aad maalin kasta isticmaasho iyo isticmaalka commands-ka muhiimka ah ee Claude Code sida "/context", "/compact", "/clear", "CLAUDE.md", "@file", iyo "--continue".

Haddii aad si joogto ah u dabaqdo talooyinkan, waxaad arki doontaa in Claude Code uu bixiyo jawaabo tayo fiican leh, shaqaduna ay kuu socoto si degdeg ah, adigoon limit-ka si fudud u gaarin.

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles