AI Engineering

Sidee Loo Noqdaa AI Engineer

Sanadihii u dambeeyay, Garaad Gacmeedku wuxuu noqday mid ka mid ah tiknoolajiyada ugu kobaca badan dunida. Shirkado waaweyn iyo kuwo yaryarba waxay maanta raadinayaan AI Engineers si ay u dhisaan nidaamyo caqli badan oo xalliya dhibaatooyin dhab ah.

Sidee Loo Noqdaa AI Engineer

Sanadihii u dambeeyay, Garaad Gacmeedku wuxuu noqday mid ka mid ah tiknoolajiyada ugu kobaca badan dunida. Shirkado waaweyn iyo kuwo yaryarba waxay maanta raadinayaan AI Engineers si ay u dhisaan nidaamyo caqli badan oo xalliya dhibaatooyin dhab ah. Dad badan ayaa doonaya inay bartaan AI, laakiin su'aasha ugu badan waa: Halkee ayaan ka bilaabaa?

Jawaabtu waa mid fudud. AI Engineering waa safar tallaabo tallaabo loo maro.

Tallaabada ugu horreysa waa inaad barato Programming. Waxaad dooran kartaa Python ama JavaScript, maadaama labaduba maanta si weyn loogu isticmaalo AI Engineering. Muhiimaddu ma aha luqadda aad doorato, ee waa inaad si fiican u barato aasaaska programming-ka oo aad ku dhisto mashruucyo (projects).

Marka aad barato Programming, tallaabada xigta waa inaad fahamto Web iyo Backend Development. Tani waxay ku baraysaa sida software-ka loo dhiso iyo sida AI loogu daro adeegyo ay dadku maalin kasta isticmaalaan.

Kadib waxaad u gudbeysaa Machine Learning, halkaas oo aad ku baraneyso concepts-ka ugu muhiimsan sida kombiyuutarku wax oga barto xogta, u sameeyo saadaal, una xalliyo dhibaatooyin isagoo adeegsanaya xog.

Marka aad taas fahamto, waxaad baran kartaa RAG (Retrieval-Augmented Generation) iyo Vector Databases, kuwaas oo maanta laf-dhabar u ah AI systems badan oo casri ah. Intaas kadib waxaad geli kartaa AI Agents iyo Workflows, halkaas oo aad ku dhiseyso AI awood u leh inuu qabto hawlo isdaba joog ah, isticmaalo qalab kala duwan, isla markaana xalliyo shaqooyin adag.

Ugu dambeyn, baro Deployment iyo Monitoring, sababtoo ah AI in la dhiso keliya kuma filna. Waa inaad taqaanaa sida loo geeyo production, loo kormeero, loona hagaajiyo marka ay isticmaalaan dad badan.

Waxa ugu muhiimsan safarkan ma aha inaad daawato casharro badan. Waxa ugu muhiimsan waa inaad dhisto mashruucyo (projects) dhab ah. Mashruuc (project) kasta oo aad sameyso wuxuu kuu noqonayaa khibrad iyo portfolio kuu furaya fursado shaqo iyo kuwo ganacsi.

Xusuusnow, AI Engineering ma aha wax lagu barto hal habeen ama dhowr toddobaad. Waa xirfad u baahan joogteyn, dulqaad, iyo ku celcelin. Qofka maanta bilaaba, si joogto ahna u barta una dhiso mashruucyo (projects), wuxuu sannad gudihiis gaari karaa heer uu ku dhiso AI applications tayo leh.

Dugsiiye waxaa diyaar kuugu ah mentorship aad ku baraneyso Full Stack Development iyo AI Engineering. Barnaamijku kuma koobna AI Engineering oo keliya. Waxaad sidoo kale si qoto dheer u baran doontaa Full Stack Development, si aad u yeelato xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhismaha software casri ah iyo AI applications oo laga bilaabo frontend iyo backend ilaa deployment.

https://dugsiiye.com/mentorship

Mustaqbalka software-ka waxaa si weyn u hoggaamin doona AI. Su'aashu ma aha in AI uu dunida beddeli doono, ee waa adiga ma bilaabi doontaa safarkaaga maanta?

Sharafdin Yusuf

Sharafdin Yusuf

"Open source is where code thrives on collaboration, not competition."

72
Articles