web-development

Waa Maxay query?

Query waa weydiin aad database-ka u dirto: xog soo qaad, xog ku dar, xog beddel ama xog tirtir. SQL-ka afarta amar ee aasaasiga ah waa SELECT, INSERT, UPDATE iyo DELETE.

Sidoo kale loo yaqaan
query, query-ga, queries, query-yada

Sharaxaad

Database-ku xog ayuu hayaa, laakiin ma hadlo ilaa aad weydiiso. Query ayaa afka aad ku weydiinayso. Markaad DBeaver ama phpMyAdmin furto, waxaad ku bilowdaa show tables si aad u aragto table-ada jira, kadibna select ayaad ku soo akhrisaa xogta. Insert, update iyo delete ayaa raacaya.

Query-gu waa inuu noqdaa mid sax ah oo fudud. Haddii calaamad ka maqan tahay, database-ku wuxuu kuu sheegayaa syntax error iyo sadarka uu ka jiro. Marka xogtu badato, index ayaa loo baahdaa: query-gii daqiiqado qaadan jiray ilbidhiqsi ayuu ku dhammaanayaa.

Erayga query meelo kale ayuu ku leeyahay macne dheeraad ah. URL-ka query params ayaa ku jira, sida bogga labaad ee liiska. Web-ka casriga ah, React Query waa library xogta API-ga soo qaata oo cache-ka u haya. Meel kastaba, fikraddu isku mid ayay tahay: wax ayaad weydiinaysaa, jawaabna ayaad sugaysaa.

Tusaale

SELECT name, email FROM students WHERE city = 'Muqdisho';

Micnaha sadarkan: ardayda Muqdisho jooga, magac iyo email keliya ii keen. Backend-ka ayaa query-gan database-ka u diraya, natiijadana JSON ahaan ayuu frontend-ka u soo celinayaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Query-yada, tables-ka, JOIN iyo index-ka: Modern Databases: From SQL to NoSQL. Full course bilaash ah: Baro SQL Database Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Barashada DBeaver iyo Query-gii ugu Horreeyay 55:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Query iyo command farqigoodu waa maxay?
Query waa weydiin xog: jawaab ayaad sugaysaa. Command-ku waa amar: table samee, beddel ama tirtir. SQL-ka labadaba wuu qabtaa, calaamadaha loo isticmaalona way kala duwan yihiin.
Query-ga maxaa gaabis ka dhigaya?
Inta badan waa index maqan ama column badan oo aan loo baahnayn oo la soo qaadayo. Ku bilow inaad soo qaadato column-nada aad u baahan tahay oo keliya.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska