web-development

Waa Maxay MySQL?

MySQL waa database relational ah oo bilaash ah, kaas oo xogta ku haya tables. SQL ayaa lagula hadlaa, waana database-ka web-ka ugu badan ee la barto.

Sidoo kale loo yaqaan
MySQL, MySQL-ka, mysql, phpMyAdmin

Sharaxaad

MySQL xogta wuxuu u kaydiyaa tables: students, orders, products. Table walba wuxuu leeyahay columns sida magaca, email-ka iyo taariikhda, iyo rows oo ah diiwaan walba. Column walba nooca xogta ayaa loo cayimaa: integer, varchar, date ama boolean. ID-ga inta badan waa primary key oo auto increment ah, taasoo micnaheedu yahay in database-ku isagu lambar u bixinayo diiwaan kasta.

Marka la shubto, MySQL wuxuu ku shaqeeyaa port 3306. Waxaa lala isticmaalaa qalab muuqaal leh: phpMyAdmin oo XAMPP la socda, DBeaver ama MySQL Workbench. Halkaas ayaad tables ka samaysanaysaa, xogtana ka soo akhrinaysaa adigoo query qoraya.

MySQL iyo PostgreSQL ayaa ugu caansan qaybta relational-ka. MySQL ayaa ugu badan ee la baro, hosting-ka caadiga ahna wuu la socdaa. PostgreSQL awood dheeraad ah ayuu leeyahay. Fikradaha aasaasiga ah isku mid ayay yihiin, sidaas darteed markaad mid barato, midka kale maalmo ayaad ku dhex geli kartaa.

Tusaale

CREATE TABLE students ( id INT AUTO_INCREMENT PRIMARY KEY, name VARCHAR(100), email VARCHAR(100) );

Table cusub oo saddex column leh. ID-ga adigu ma qorto: MySQL ayaa lambar u bixinaya arday kasta markuu diiwaan galo.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Tables, queries, JOIN iyo NoSQL: Modern Databases: From SQL to NoSQL. Full course bilaash ah: Baro SQL Database Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca MySQL iyo phpMyAdmin 1:08:15

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

MySQL iyo SQL farqigoodu waa maxay?
SQL waa luqadda weydiinta. MySQL waa barnaamijka xogta haya oo luqaddaas fahma. PostgreSQL iyo SQLite iyagana SQL ayay isticmaalaan.
MySQL mise MongoDB?
Xog isku xiran oo xisaab leh, sida orders iyo lacag, MySQL ayaa ku habboon. Xog dabacsan oo JSON u eg, MongoDB. Labadaba baro.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska