web-development

Waa Maxay port?

Port waa lambar albaab u ah barnaamij ku shaqeeya computer ama server. Hal computer barnaamijyo badan ayaa ku shaqayn kara, port-kuna wuxuu kala saaraa mid walba halka laga helayo.

Sidoo kale loo yaqaan
port, port-ka, port-yada, Port

Sharaxaad

Computer-kaaga waa sida guri albaabbo badan leh. Cinwaanka guriga waa localhost, albaabkuna waa port-ka. Next.js markaad furto wuxuu ku shaqeeyaa localhost:3000; Apache-ga XAMPP wuxuu isticmaalaa 80 ama 8080; MySQL-na 3306 ayuu dhagaystaa. Sidaas darteed, markaad browser-ka qorto localhost, mararka qaar waa inaad port-ka ku darto: localhost:8080.

Dhibaatada ugu badan waa markuu port-ku horay u qabsan yahay. Barnaamij kale ayaa albaabkaas ku fadhiya: mararka qaar waa VMware ama software kale, mararka qaarna waa server-kii hore oo aan si sax ah u xirmin. Laba xal ayaa jira: barnaamijka hore dami, ama port kale u beddel.

Production-ka, user-ku port-ka ma arko. Nginx ama cloud-ka ayaa 443 ka aqbala internet-ka, gudahana wuxuu u gudbiyaa port-ka app-kaagu ku shaqaynayo.

Tusaale

npm run dev -- -p 3001

Haddii 3000 uu qabsan yahay, port kale ayaad siisaa server-ka horumarinta, kadibna waxaad furtaa localhost:3001. Tani waa xeel fudud markaad laba project isku mar wadid.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Server-ka, routes-ka, port-ka iyo API real ah oo la dhisayo: Node.js Backend & REST API.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Casharka 1aad: Setup-ka iyo XAMPP 10:35

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Waa maxay port-yada ugu caansan?
80 waa HTTP, 443 waa HTTPS, 3000 iyo 3001 waa server-yada horumarinta JavaScript, 3306 waa MySQL, 27017-na waa MongoDB.
Khaladka port-ka la qabsaday sidee loo xalliyaa?
Barnaamijka lambarkaas haysta terminal-ka ka hel oo dami, ama port kale isticmaal. Inta badan waa server-kii hore oo tab kale ku furan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska