artificial-intelligence

Waa Maxay context?

Context waa wax walba oo model-ku "arkayo" markuu jawaab soo saarayo: prompt-kaaga, sheekadii hore, files-ka aad siisay iyo tilmaamaha system-ka. Xadka uu qaadi karo waxaa la yiraahdaa context window.

Sidoo kale loo yaqaan
context-ka, context window, Context API

Sharaxaad

Model-ku xusuus joogto ah ma laha. Mar kasta oo aad wax weydiiso, waxa uu haysto oo keliya waa context-ka la siiyay. Context-kaasi wuxuu ka kooban yahay tokens, wuxuuna leeyahay xad: 200 kun oo token, hal milyan, iyadoo model-ka ku xiran. Marka context-ku buuxsamo, model-ku wuxuu bilaabaa inuu waxyaalihii hore illaawo, wareero, ama qalad sameeyo. Taasi waa sababta agentic tools sida Claude Code ay u leeyihiin sub-agents: agent kasta context gaar ah ayuu leeyahay, si shaqo weyn hal context aan lagu buuxin.

Xeerka ugu muhiimsan: context-ka ha ku shubin wax aan loo baahnayn. Files-ka la xiriira keliya sii, sheekada dheer soo koob, shaqada u kala jebi qaybo. Context yar oo saxan ayaa ka fiican context weyn oo buuxa.

Tusaale

Claude Code haddaad ku leedahay "bug-gan ii sax" adigoo project-ka oo dhan siiyay, context-ka ayaa buuxsamaya, jawaabtuna way liidataa. Haddaad siiso file-ka bug-gu ku jiro iyo error-ka keliya, isla markiiba wuu helayaa.

Context ahaan React-ka: Context API waa hab xog loo wadaago components badan iyadoo aan props hoos loo sii dhiibin (prop drilling). User-ka khadka ku jira, theme-ka, luqadda: waxyaalahaas Context ayaa lagu hayaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Context-ka AI-ga iyo sida loo maamulo: Agentic Coding with Claude Code. React Context API iyo useContext: React.js Masterclass.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Baro Claude Code: context iyo tokens 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Context window weyn ma ka fiican yahay mid yar?
Ma aha mar walba. Context weyn waa fursad, laakiin waxa ku jira ayaa muhiim ah. Xog aan loo baahnayn model-ka way wareerisaa, lacagna way ku baxdaa.
Context iyo memory maxay ku kala duwan yihiin?
Context waa waxa model-ku hadda haysto, hal sheeko gudaheed. Memory waa xog la kaydiyo oo sheekooyinka dambe dib loogu soo celiyo, sida CLAUDE.md ee Claude Code.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska