artificial-intelligence

Waa Maxay memory?

Memory waa xog la kaydiyo oo agent-ka AI-ga uu mar kasta oo uu shaqo bilaabo dib u akhriyo: xeerarka project-ka, qaabka aad u shaqayso, iyo waxa aad horay u go'aamisay. Claude Code memory-ga waxaa lagu qoraa file-ka CLAUDE.md.

Sidoo kale loo yaqaan
memory-ga, CLAUDE.md, project memory, user memory

Sharaxaad

Model-ku xusuus ma laha: sheeko kasta oo cusub eber ayuu ka bilaabaa. Haddaad mar walba u sheegto "Tailwind keliya isticmaal, tests ku qor, magacyada sidan u bixi", waqti ayaad lumin. Memory ayaa taas xalliya: hal mar ayaad qortaa, agent-ku sheeko kastaa wuu akhriyaa.

Claude Code laba nooc ayuu leeyahay. Project memory waa CLAUDE.md-ga project-ka ku jira: tech stack-ka, xeerarka, amarrada, qaabka deploy-ga. Team-ka oo dhan ayaa wadaaga, Git-na waa lagu hayaa. User memory waa mid adiga kuu gaar ah oo computer-kaaga ku jira: sida aad jeceshahay in laguula hadlo, tools-ka aad isticmaasho, project walba ayuu ku raacaa. Memory iyo context way kala duwan yihiin: context waa waxa model-ku hadda haysto hal sheeko gudaheed, memory waa waxa sheekooyinka oo dhan la soo raaca.

Tusaale

CLAUDE.md project-ka Dugsiiye: "bun isticmaal, npm ha isticmaalin; icons-ka Phosphor; .env-ga waa la commit-gareeyaa; main toos looma commit-gareeyo". Agent kasta oo project-ka gala isla markiiba xeerarkaas wuu yaqaannaa, adigoo aan u sheegin. Memory xun, sida file dheer oo wax walba ku qoran, context-ka ayuu buuxiyaa: gaaban oo cad ku hay.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Project memory, user memory iyo best practices-ka CLAUDE.md: Baro Claude Code Af-Soomaali iyo Agentic Coding with Claude Code.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Fahamka Memory-ga: Project & User Memory 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Memory-ga maxaan ku qoraa?
Waxa aad mar labaad u sheegi lahayd: xeerarka, amarrada, waxa la mamnuucay, halka waxyaalaha yaallaan. Ma aha sharaxaad dheer oo code-ka ah; code-ka agent-ku wuu akhriyaa.
Memory-gu ma cusboonaadaa keligiis?
Claude Code agent-ku wuu ku dari karaa haddaad u sheegto "tan xasuuso". Laakiin adigu marar ka fiirso oo nadiifi: memory duugoobay agent-ka wuu khaldaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska