artificial-intelligence

Waa Maxay automation?

Automation waa in shaqo soo laalaabata si automatic ah loo qabto, adigoo aan mar walba gacanta ku hayn. Script, workflow ama agent AI ah ayaa shaqada qabanaya.

Sidoo kale loo yaqaan
automation, automation-ka, automations, si automatic ah

Sharaxaad

Shaqooyinka soo laalaabta ayaa waqti badan qaata: xog la nadiifiyo, warbixin bishii la diyaariyo, ama xisaab maalin walba la eego. Hore, script ayaa loo qori jiray. Hadda, AI-ga ayaa lagu daraa: agent-ku database-ka wuu la sheekaysan karaa, warbixin wuu soo saari karaa, su'aal Af-Soomaali ah oo laga weydiiyana wuu ka jawaabi karaa.

Tusaale ganacsi: maqaayad ama shirkad markay rabto warbixin maalinle ah, meeshii developer-ku gacanta ku qori lahaa, agent ayaa xogta ka soo qaadaya oo warbixinta diyaarinaya. Wax la mid ah: document-yada shirkadda oo AI lala xiro si shaqaaluhu su'aal uga weydiiyaan.

Coding-ka, automation-ku wuxuu ku jiraa skills iyo commands. Shaqada soo laalaabta, sida qaabka code-ka GitHub loo saaro, hal mar ayaad qortaa, kadibna magaca ayaad ugu yeeraysaa. Meeshii aad maalin walba prompt dheer u qori lahayd, hal tilmaan ayaa ku filan.

Ogow: automation-ku ma aha in dadka shaqada laga saaro. Shaqooyinka soo laalaabta ayaa yaraanaya, kuwo cusubna way soo bixinayaan. Qofka isbeddelka la qabsada ayaa fursadda helaya.

Tusaale

Claude Code, skill ayaad samaysanaysaa oo sharraxaya qaabka aad rabto in code-ka GitHub loo saaro: talaabooyinka, magaca branch-ka iyo qaabka commit-ka. Kadib, mar walba oo aad u baahato, skill-ka magaciisa ayaad sheegaysaa, isaguna qaabkii ayuu raacayaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Skills, commands, agents iyo MCP: Agentic Coding with Claude Code. Meelaha suuqu u socdo: Xirfadaha 2026.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Fursadaha Cusub iyo Isbeddelka Tignoolajiyada 6:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Automation iyo AI agent farqigoodu waa maxay?
Automation waa fikradda: shaqadu iskeed ha u dhacdo. Agent-ku waa qalab arrintaas lagu gaaro, wuxuuna go'aan gaari karaa oo tools isticmaali karaa.
Halkee ayaan ka bilaabaa?
Ka bilow shaqada aad maalin walba soo laalaabatid. Hal mar qor oo la soco. Marka ay si sax ah u shaqayso, mid kale ku dar.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska