Waa Maxay workflow?
Workflow waa tallaabooyinka kala horreeya ee shaqo lagu dhammaystiro, iyo cidda ama waxa tallaabo kasta qabta. Marka la qoro oo la habeeyo, isla natiijada ayaa mar kasta soo baxaysa.
Sidoo kale loo yaqaan
workflow-ga, workflows, habraaca shaqada
Sharaxaad
Development-ka, workflow-gu wuxuu ka bilaabmaa fikradda ilaa code-ku uu internet-ka saarmo: qorshaha, branch cusub, code-ka, tests-ka, review-ga, merge-ka iyo deployment-ka. Kooxo badan ayaa qaybo ka mid ah automate-gareeya, si khalad bini'aadam yaraado oo shaqadu si isku mid ah u socoto.
AI-ga wuxuu bedelay meesha workflow-gu ka bilaabmo. Waxaad tools-ka AI-ga ku dhex xidhi kartaa shaqada maalinlaha ah: extension browser-ka ku jira oo bogga aad ku jirto su'aal ka weydiiso, app desktop ah oo files-kaaga la shaqeeya, MCP servers oo AI-ga xidha adeegyada iyo xogtaada, iyo agents oo tallaabo badan iska qabta. Workflow wanaagsan ma aha in AI wax walba lagu daro. Waa in la kala saaro tallaabooyinka bini'aadamku go'aan ka gaarayo iyo kuwa mashiinka lagu kalsoonaan karo. Model-ka aad doorato tallaabo kasta waa qayb ka mid ah: shaqooyinka fudud ee dhaqsaha leh model yar, kuwa culusna model xoog leh.
Tusaale
Workflow blog qorista ah: fikradda ayaa la doortaa, agent baaris ayaa sameeya, qoraalka horudhaca ah ayaa la sameeyaa, adigu waad saxdaa oo dhadhanka brand-ka ku darsataa, kadibna si toos ah ayaa bogga loogu shubaa. Saddex tallaabo mashiin ayaa qabtay, laba qof ayaa qabtay, natiijaduna waa mid la hubiyay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Koorsada Agentic Coding with Claude Code waxaad ku baranaysaa sida loo dhiso workflow real ah: qorshe, agents, skills iyo shubidda app-ka.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Claude App iyo Extension 3:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Workflow iyo automation ma isku mid baa?
- Workflow waa tallaabooyinka iyo kala horraynta. Automation waa marka tallaabooyinkaas qaarkood ay si toos ah u dhacaan. Workflow waxaa ku jiri kara tallaabooyin bini'aadam.
- Xagee laga bilaabaa workflow AI ah?
- Qor shaqada aad maalin kasta ku celiso. Dooro mid tallaabo cad leh, kadibna hal qayb u dhiib AI, natiijadana hubi. Marka aad kalsooni yeelato, qayb kale ku dar.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay agent?
Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.
Waa Maxay automation?
Automation waa in shaqo soo laalaabata si automatic ah loo qabto, adigoo aan mar walba gacanta ku hayn. Script, workflow ama agent AI ah ayaa shaqada qabanaya.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.
Waa Maxay Claude Code?
Claude Code waa coding agent Anthropic sameysay oo terminal-kaaga ka shaqeeya. Project-ka wuu akhriyaa, files wuu beddelaa, commands wuu fuliyaa, waana ku sii socdaa ilaa shaqada aad u dirtay ay dhammaato.
Waa Maxay MCP?
MCP (Model Context Protocol) waa heshiis caalami ah (protocol) oo agent-ka AI-ga ku xira tools iyo xog dibadda ah: database, GitHub, browser, Notion, Stripe. Waa sida USB-ga AI-ga: hal qaab, tools badan.