Waa Maxay AI agent?
AI agent waa software shakhsi ahaan shaqo qabsanaya ilaa uu shaqadii aad u dirtay kaaga dhammaynayo. Hadaf ayaad siisaa, isagana wuxuu qaataa tallaabooyinka u baahan si uu natiijada u soo gaadho.
Sidoo kale loo yaqaan
AI agent-ka, AI agents, agent AI ah
Sharaxaad
Model-ka keligiis agent ma noqon karo. Model-ku waa maskaxda; waxa awoodda siiya waa tools. Tools-ku waa gacmaha uu wax ku qabto: internet-ka wax ka raadi, files-ka computer-ka ka akhri, meel click sii, document qor, natiijo hubi. Afar tool kuma eka; boqol ama laba boqol oo tool ayuu lahaan karaa. Marka aad tool ku darto, waxaad u sheegaysaa magaca, waxa uu qabto iyo xogta uu qaadanayo, model-kuna wuu go'aansadaa goorta uu isticmaalo.
Agent-ku wareeg ayuu ku shaqeeyaa: wuu fikiraa, tool ayuu doortaa, wuu fuliyaa, natiijada wuu eegaa, kadibna tallaabada xigta ayuu qaataa. Shaqooyinka waaweyn, agent orchestrator ah ayaa shaqada u kala qaybiya sub-agents, kadibna mid walba shaqadiisa ayuu hubiyaa. Saddex shay ayaa agent wanaagsan sameeya: hadaf cad, tools ku habboon, iyo xuduud aad ku qeexdo waxa uu taaban karo.
Tusaale
Agent chat ah oo aad Next.js ku dhisayso: user-ku wuxuu weydiiyaa "cimilada Muqdisho ii sheeg oo qoraal ka samee". Model-ku wuxuu doortaa tool-ka cimilada, xogta wuu soo qaataa, kadibna qoraalka ayuu ka dhisaa. Adiga hal hadal ayaad siisay; isagu laba tallaabo ayuu qaatay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
AI Engineering Masterclass waxaad ku dhisaysaa agents, tools iyo multi-agent systems. Agents-ka coding-ka: Agentic Coding with Claude Code.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Waa Maxay AI Agent? 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Farqiga agent iyo chatbot waa maxay?
- Chatbot-ka su'aal ayaad weydiisaa, hal jawaab ayuu ku siiyaa, halkaas ayay ku dhammaataa. Agent-ku hadaf ayuu qaataa, tools ayuu isticmaalaa, wuuna sii socdaa ilaa shaqadu dhammaato.
- AI agent ma dhisi karaa qof bilow ah?
- Aasaaska JavaScript ama Python iyo fahamka API-ga ayaa lagama maarmaan. Marka labadaas aad heshid, agent yar oo laba tool wata maalin ayaad ku dhisi kartaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay agent?
Agent waa software AI ah oo hadaf la siiyo, kadibna keligiis tallaabooyinka qaada ilaa shaqadu ka dhammaato. Model-ku waa maskaxda, tools-kuna waa gacmaha uu wax ku qabto.
Waa Maxay model?
Model waa barnaamij AI ah oo xog aad u badan lagu tababaray (training), si uu su'aal markaad weydiiso jawaab u soo saaro. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA mid walba waa model.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.
Waa Maxay LLM?
LLM (Large Language Model) waa system AI ah oo lagu tababaray qoraal aad u badan, kaas oo fahma luqadda oo soo saara qoraal bini'aadam u eg. ChatGPT, Claude, Gemini iyo LLaMA dhammaantood LLM ayay ku shaqeeyaan.
Waa Maxay chatbot?
Chatbot waa barnaamij sheeko ahaan kula hadla: su'aal ayaad weydiisaa, jawaab ayuu kuu soo celiyaa. ChatGPT waa chatbot; support-ka website-ka oo su'aalaha ka jawaaba waa chatbot.