programming-languages

Waa Maxay variable?

Variable waa weel magac leh oo xog lagu kaydiyo si mar dambe loo isticmaalo: magac, tiro, liis. Waa fikradda ugu horreysa ee programming-ka.

Sidoo kale loo yaqaan
variable-ka, variables-ka, doorsoome

Sharaxaad

Ka soo qaad sanduuq aad ku qorto "name" oo aad gelisid "Xamuud". Mar kasta oo aad "name" ku tidhaahdo, computer-ku wuxuu ogyahay inaad "Xamuud" ula jeeddo. Variable-ku wuxuu haystaa qiime, qiimahaasina wuu isbeddeli karaa (variable = wax isbeddela). JavaScript-ka let name = "Xamuud" ayaad qoraysaa, ama const haddii uusan isbeddelayn; Python-ka name = "Xamuud" oo keliya.

Xogta variable-ku hayo nooc ayay leedahay (data type): string (qoraal), number (tiro), boolean (true/false), array (liis), object. Noocaas ayaa go'aaminaya waxa aad ku samayn karto: tiro waad isku dari kartaa, qoraal waad isku xiri kartaa. Magacyada variables si cad u bixi: totalPrice ayaa ka fiican x.

Tusaale

let qiime = 10; let tiro = 3; let wadar = qiime * tiro; // 30 tiro = 5; wadar = qiime * tiro; // 50

Isla variable-ka tiro qiimihiisa waa la beddelay, wadarta cusubna isla code-kii ayaa xisaabiyay. Taasi waa awoodda variable-ka: code-ku ma isbeddelo, xogta ayaa isbeddesha.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Variables, data types iyo aasaaska JavaScript: JavaScript Masterclass. Python oo bilaash ah: Ku Baro Python Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Variables-ka PHP 15:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

let mise const?
`const` isticmaal haddii qiimuhu isbeddelayn, `let` haddii uu isbeddelayo. `var`-kii hore ha isticmaalin.
Variable-ka Af-Soomaali ma ku magacaabi karaa?
Haa, `qiime` iyo `tiro` way shaqeeyaan. Laakiin project-yada shaqada English isticmaal, si dadka kale u fahmaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska