Waa Maxay repository?
Repository, oo la soo gaabiyo repo, waa folder-ka project-kaaga oo Git taariikhdiisa u hayo: file-asha, commits-ka iyo branches-ka oo dhan.
Sidoo kale loo yaqaan
repository, repo, repo-ga, repositories
Sharaxaad
Markaad GitHub tagto oo aad dhahdo new repository, waxaad samaysanaysaa meel code-kaagu ku kaydsan yahay internet-ka. Waxaad dooran kartaa mid public ah oo qof kastaa arki karo, ama mid private ah oo adiga iyo dadka aad casuunto keliya arkaan.
Repo kasta laba file oo muhiim ah ayuu leeyahay. README wuxuu sharraxaa project-ka: waxa uu yahay, sida loo shubto iyo sida loo wado. Gitignore-ku wuxuu sheegaa file-asha aan la raacinayn, sida node_modules oo aad u weyn iyo .env oo sirrooyin wata. Labadaas ha ilaawin.
Repo-gu laba goobood ayuu ku jiraa: mid local ah oo computer-kaaga ku jira, iyo mid remote ah oo GitHub ku jira. Amarka push ayaa kan local-ka ah kor u qaadaya; pull ayaa isbeddelka dadka kale hoos u soo dejinaya. Sidaas ayay team-ku isku mar isla project uga wada shaqeeyaan, adeegyada deployment-kuna repo-gaas ayay code-ka ka soo qaataan.
Tusaale
git remote add origin https://github.com/magacaaga/project.git
git push -u origin main
Laba amar: repo-ga remote-ka ah ku xir, kadibna code-ka kor u dir. Marka kadib aad push samayso, GitHub iyo adeegga deployment-ku isla markiiba way arkayaan.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Repo-ga ugu horreeya, README, .gitignore iyo saaridda website-ka: HTML, CSS, Tailwind & GitHub: Ship Your First Website.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Ku Shubidda Project-ka GitHub iyo Vercel 10:51:08
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Repository iyo folder ma isku mid baa?
- Repo waa folder, laakiin mid Git taariikh u hayo. Folder caadi ah taariikh ma laha: haddaad file tirtirto, way baxaysaa oo lama soo celin karo.
- Repo public ah ma sameeyaa?
- Haddii ay tahay shaqo aad dadka tusi karto, haa: repo public ah waa portfolio. Laakiin marka hore hubi in .env iyo keys-ka aanay ku jirin.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay GitHub?
GitHub waa adeeg internet ah oo code-ka lagu kaydiyo, taariikhdiisana lagu ilaaliyo. Wuxuu ku dhisan yahay Git, oo ah version control: qoraal kasta oo aad beddesho waa la duubaa, dibna waad ugu laaban kartaa.
Waa Maxay Git?
Git waa nidaam version control ah oo taariikhda code-kaaga xafida: isbeddel walba, cidda samaysay, waqtiga la sameeyay, iyo sida dib loogu noqon karo.
Waa Maxay open source?
Open source waa software-ka code-kiisa dadweynaha loo furay, si qof kastaa u akhriyo, u isticmaalo, uuna wax uga beddelo shuruudo la caddeeyay. Lidkiisa waa closed source, oo code-ka gudaha shirkadda ku hadho.
Waa Maxay deployment?
Deployment waa marka barnaamijkaaga aad ka saarto computer-kaaga oo aad internet-ka saarto, si qof kastaa u isticmaali karo. Waa talaabada u dambaysa ee project-ka ka dhigaysa mid nool.
Waa Maxay terminal?
Terminal waa barnaamij computer-ka amarro qoran lagu siiyo, halkii mouse lagu isticmaali lahaa. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa command line ama CLI (Command Line Interface).