software-engineering

Waa Maxay Git?

Git waa nidaam version control ah oo taariikhda code-kaaga xafida: isbeddel walba, cidda samaysay, waqtiga la sameeyay, iyo sida dib loogu noqon karo.

Sidoo kale loo yaqaan
Git, git, Git Bash, version control

Sharaxaad

Bedelkii aad samayn lahayd project-final, project-final2 iyo project-final3, Git wuxuu kuu hayaa hal folder iyo taariikh dhammaystiran. Isbeddel kasta commit ayaa la yiraahdaa, waxaana la siiyaa magac gaaban oo sharraxaya waxa la beddelay. Haddii wax jabaan, commit-kii hore ayaad ku noqotaa.

Git waa barnaamij computer-kaaga ku shaqeeya, sidaas darteed marka hore waa inaad ku shubtaa. Windows-ka waxaa la siiyaa Git Bash oo terminal ah; Mac iyo Linux-ka terminal-ka caadiga ah ayaa ku filan. GitHub isagu waa adeeg internet-ka ah oo code-kaaga kaydiya oo dadka kale kula wadaaga. Git waa qalabka, GitHub-na waa meesha.

Branch waa fikradda ugu muhiimsan ee shaqada wadajirka ah. Marka aad shaqo cusub bilaabayso, branch ayaad ka samaysataa main, si aadan u jabin waxa hadda shaqaynaya. Marka ay diyaar noqoto oo la eego, ayaa dib loo isku daraa.

Tusaale

git init git add . git commit -m "casharkii koowaad"

Saddex amar: project-ka Git ku bilow, isbeddelka diyaari, kadibna taariikhda ku qor. Kadib waxaad GitHub u dirtaa adigoo git push isticmaalaya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Git, GitHub iyo saaridda website-ka ugu horreeya: HTML, CSS, Tailwind & GitHub: Ship Your First Website.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Ku Shubidda Project-ka GitHub iyo Vercel 10:50:11

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Git iyo GitHub ma isku mid baa?
Maya. Git waa nidaamka computer-kaaga ku shaqeeya. GitHub waa website-ka code-ka lagu kaydiyo laguna wadaago. Waxaa kale oo jira GitLab iyo kuwo la mid ah.
Commit-ka magac sidee u bixiyaa?
Mid gaaban oo sharraxaya waxa la beddelay: "bogga login-ka dhis" ama "cilad form-ka hagaaji". Magacyada aan micne lahayn sida "update" ayaa hadhow ku dhibaya.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska