software-engineering

Waa Maxay GitHub?

GitHub waa adeeg internet ah oo code-ka lagu kaydiyo, taariikhdiisana lagu ilaaliyo. Wuxuu ku dhisan yahay Git, oo ah version control: qoraal kasta oo aad beddesho waa la duubaa, dibna waad ugu laaban kartaa.

Sidoo kale loo yaqaan
GitHub-ka, Github, GitHub repo

Sharaxaad

Muhiimadda version control-ka waxay ka muuqataa marka dad badan hal project ka wada shaqeeyaan. Qof Muqdisho jooga, qof London jooga iyo qof Hargeysa jooga isku project ayay ku shaqayn karaan: qof walba wuxuu code-kiisa GitHub ku saaraa, kuwa kalena way ka soo dejistaan. Amarrada aasaasiga ah waa commit oo isbeddelka calaamadeeya, push oo internet-ka geeya, pull oo kuwa kale kuu soo dejiya, iyo pull request oo la weydiiyo in shaqadaada la daro.

GitHub-na waa meel code-ka lagu wadaago oo lagu muujiyo. Project-yadaada halkaas ayay ku taalaan, cid kastana way arki kartaa; markaad codsi shaqo ama iskaashi samaynayso, waa halka la eego. Meel badanna waa albaabka deployment-ka: adeegyada sida Vercel-ka repo-gaaga ayay ku xidhmaan, mar kasta oo aad push samaysona si toos ah ayay bogga cusboonaysiiyaan. Bilowga waxaad u baahan tahay Git oo computer-kaaga ku shaqaynaya; Windows-ka waxaa la isticmaalaa Git Bash, Mac-na terminal-ka.

Tusaale

git add . git commit -m "Ku dar bogga koorsooyinka" git push origin main

Saddex amar: isbeddelka waa la ururiyay, magac waa la siiyay, kadibna internet-ka ayaa la saaray. Hadduu wax qaldamo, commit-kii hore ayaad ku laaban kartaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Koorsada HTML, CSS, Tailwind & GitHub waxaad ku baranaysaa Git, GitHub iyo sida websaydkaagii ugu horreeyay internet-ka loo saaro.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Ku Shubidda Project-ka GitHub iyo Vercel 10:49:04

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Git iyo GitHub maxay ku kala duwan yihiin?
Git waa barnaamijka computer-kaaga ku shaqeeya oo taariikhda haya. GitHub waa adeegga internet-ka ee repos-ka martida u ah oo wada shaqaynta fududeeya.
Repo bilaash miyaa?
Repos-ka furan iyo kuwa qarsoonba heer bilaash ah ayaa jira, waana ku filan yahay barasho iyo project shakhsi ah. Kuwa kooxaha waaweyn ayaa lacag u baahan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska