programming-languages

Waa Maxay object?

Object waa qaab xog oo xog badan hal meel isugu keena. Qayb kastaa waxay leedahay magac (key) iyo qiime (value), sida magac: "Xamuud" iyo age: 22.

Sidoo kale loo yaqaan
object, object-ka, objects, object-ga

Sharaxaad

Fikirka waa fudud. Haddaad nationality, age iyo magac saddex variable u kala qorto, isbeddel kastaa waxay kugu qasbaysaa inaad saddexdaba ka shaqayso. Halkii aad saas yeeli lahayd, hal value ayaad isugu geynaysaa oo object ayaad ka dhigaysaa. Kadib developer.age iyo developer.nationality ayaad ku gaadhaysaa, mid kastana magaciisa ayaa kuu sheegaya waxa uu yahay. Taasi waa sababta objects-ku ugu badan yihiin code-ka real ah: user, product, order iyo lesson dhammaantood waa objects.

Hal khalad ayaa jira oo dad badan ku dhaca, gaar ahaan dhinaca React. Markaad object cusub meesha ku beddesho, keys-kii hore way baaba'ayaan. Haddaad rabto inaad hal key beddesho, kuwa kale hana taabanin: { ...developer, age: 23 }. Saddexda dhibcood waxay ka dhigan yihiin "wixii hore ku jiray kaalay", kadibna waxa cusub ayaa la dul saarayaa. Luqadaha OOP sida Python, object micno dheeraad ah ayuu leeyahay: waa shay laga dhalay class, oo xog iyo shaqooyin isku wada haya.

Tusaale

const developer = { magac: "Xamuud", nationality: "Somaliland", age: 22 }; console.log(developer.age); // 22 setDeveloper({ ...developer, age: 23 }); // age keliya ayaa beddelmaya

Hal object, saddex qiime. Sadarka labaad wuxuu soo qaadayaa qiimaha, sadarka saddexaadna wuxuu abuurayaa object cusub oo kuwii kale weli sida ay ahaayeen u haya.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Objects, arrays iyo destructuring: JavaScript Masterclass iyo Baro JavaScript Af-Soomaali. Objects-ka state-ka React: Baro React JS Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

useState oo Complex ah iyo Objects 1:45:05

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Object iyo array farqigoodu waa maxay?
Array waa liis, tirooyin (0, 1, 2) ayaana lagu gaadhaa. Object magacyo ayuu isticmaalaa. Xog isku nooc oo tiro ah, array; xog qayb kastaa macne u leedahay, object.
Object gudihiisa object kale ma gelin karaa?
Haa, oo waa caadi. `user.address.city` waa object gudaha object kale ku jira. Ha sii qoto dheerayn: haddii aad saddex heer ka gudubto, waa lagu wareeraa, ciladduna way ku qarsoontaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska