Waa Maxay loop?
Loop waa hab shaqo soo laalaabanaysa hal mar loo qoro, barnaamijkuna ku celceliyo inta aad sheegto. Halkii aad isla sadarka boqol jeer ka qori lahayd, hal mar ayaad qoraysaa.
Sidoo kale loo yaqaan
loop, loop-ka, loops, for loop, while loop
Sharaxaad
Haddaad rabto inaad daabacdo tirooyinka kow ilaa toban, waxaad ku qasban tahay inaad toban sadar isku celceliso. Haddaad boqol rabto, boqol sadar. Taasi ma aha shaqo xirfadle. Loop-ku wuxuu shaqada soo laalaabanaysa hal meel keenaa oo wuxuu ku leeyahay: "anaa qabanaya, ii sheeg meesha ay ka bilaabanayso iyo meesha ay ku dhammaanayso." Sidaas darteed saddex shay ayaa laga rabaa for loop: meesha uu ka bilaabmayo, condition-ka joojinaya, iyo tallaabada kordhinaysa.
Noocyada waaweyn waa saddex. for waa marka aad tirada garanayso. while waa marka aadan garanayn, oo aad joojinayso marka shuruudu diiddo, sida "sii akhri ilaa xogtu dhammaato". for...of iyo forEach waa marka aad liis marayso, xog kastana aad wax ka qabanayso. Dhinaca React, map ayaa loo isticmaalaa: array arday ah ayaad u beddelaysaa liis card ah oo bogga ku soo baxa. Digniin: condition-ka joojinta haddii uusan waligiis run noqon, waxaa dhacaya infinite loop, browser-kuna wuu istaagayaa. Wareeggaas ayaa sidoo kale ah habka AI agent-ku u shaqeeyo: fikir, tool isticmaal, natiijada eeg, kadibna ku celi ilaa hawshu dhammaato.
Tusaale
for (let i = 1; i <= 10; i++) {
console.log(i);
}
Saddexdii shay waa halkan: i kow ayuu ka bilaabmayaa, i <= 10 ayaa joojinaya, i++ ayaa mid mid u kordhinaya. Toban sadar oo shaqo ah, saddex sadar ayay noqotay.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Loops, arrays iyo map: JavaScript Masterclass iyo Baro JavaScript Af-Soomaali. Dhinaca Python, for iyo while: Ku Baro Python Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
For Loops: Daabacaadda 1-10 40:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- `for` mise `while`, kee ayaan doortaa?
- Tirada haddaad garanayso, `for`. Haddaadan garanayn oo aad sugayso xaalad, `while`. Liis haddaad marayso, `for...of` ama `map` ayaa ugu nadiif badan.
- Loop-ku ma joojin waayaa?
- Haa, marka condition-ku waligiis been noqon waayo. Hubi in variable-ka la hubinayo uu wareeg kasta isbeddelo; haddii kale barnaamijku halkaas ayuu ku dhegayaa.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay array?
Array waa hal variable oo qiimayaal badan isku kaydiya. Qiime walba wuxuu leeyahay boos loo yaqaan index, boosuna wuxuu ka bilaabmaa eber, ma aha kow.
Waa Maxay condition?
Condition waa su'aal run ama been ah oo barnaamijku isweydiiyo si uu u go'aamiyo waxa xiga: "haddii tanu run tahay, tan samee; haddii kale, taas samee."
Waa Maxay function?
Function waa qayb code ah oo shaqo gaar ah qabata, magac leh, oo mar kasta oo aad rabto la wici karo. Xog ayaad siin kartaa (parameters), natiijo ayuuna kuu soo celin karaa (return).
Waa Maxay variable?
Variable waa weel magac leh oo xog lagu kaydiyo si mar dambe loo isticmaalo: magac, tiro, liis. Waa fikradda ugu horreysa ee programming-ka.