Waa Maxay CLI?
CLI (Command Line Interface) waa habka barnaamij loola shaqeeyo adigoo amar qoraya, halkii badhan la riixi lahaa. Terminal-ka ayaad amarrada ku qortaa.
Sidoo kale loo yaqaan
CLI, CLI-ga, command line, command line interface
Sharaxaad
Barnaamij kastaa laba muuqaal ayuu yeelan karaa: mid sawir leh oo la riixo, iyo mid amarro qoraal ah ee lagu wado. CLI-gu waa kan labaad. Bilowga wuu adag yahay, laakiin markaad barato wuu ka dhakhso badan yahay: hal sadar ayaa qabanaya shaqo riixyo badan qaadan lahayd, waana la soo laalaabi karaa oo script laga dhigi karaa.
Tusaalayaal maalin walba la isticmaalo: npm, git iyo Claude Code. Claude Code CLI ahaan ayuu ku shaqeeyaa, waana halka awoodda buuxda laga helo: commands sida /help iyo /context, skills, agents iyo MCP dhammaantood halkaas ayay ku jiraan. Extension-ka VS Code wuu jiraa, wuxuuna bilowga kuu fududaynayaa, laakiin wax walba oo CLI-ga lagu sameeyo halkaas ayaa lagu samayn karaa.
Ku bilow amarro kooban: ls oo file-asha tusa, cd oo folder ku gelinaya, mkdir oo folder samaynaya. Kadib waxaa ku xigaya kuwa shaqadaada la xiriira sida git status iyo npm run dev.
Tusaale
cd my-app
npm run dev
Laba sadar: folder-ka gal, kadibna server-ka horumarinta kici. Isla terminal-kaas ayaad ku wadi kartaa git, Claude Code iyo shaqo kasta oo kale.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
CLI-ga, commands-ka, skills iyo agents: Agentic Coding with Claude Code. Free-ga: Baro Claude Code Af-Soomaali.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Ku dhex shaqaynta CLI-ga iyo Amarrada Muhiimka ah 23:30
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- CLI iyo terminal ma isku mid baa?
- Terminal waa daaqadda amarrada lagu qoro. CLI waa barnaamijka amarradaas aqbala. Hal terminal ayaad CLI-yo badan kaga wadi kartaa.
- CLI-ga ma waajib baa in la barto?
- Bilowga ma aha, laakiin waad ka maarmi weyday: git, npm, deployment-ka iyo tools-ka AI-ga oo dhan halkaas ayay ku shaqeeyaan.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay terminal?
Terminal waa barnaamij computer-ka amarro qoran lagu siiyo, halkii mouse lagu isticmaali lahaa. Waxaa sidoo kale la yiraahdaa command line ama CLI (Command Line Interface).
Waa Maxay Claude Code?
Claude Code waa coding agent Anthropic sameysay oo terminal-kaaga ka shaqeeya. Project-ka wuu akhriyaa, files wuu beddelaa, commands wuu fuliyaa, waana ku sii socdaa ilaa shaqada aad u dirtay ay dhammaato.
Waa Maxay npm?
npm (Node Package Manager) waa tool terminal-ka lagu isticmaalo oo packages-ka JavaScript lagu soo shubo, lagu maamulo, scripts-ka project-kana lagu fuliyo. Node.js markaad computer-kaaga ku shubto, npm wuu la socdaa.
Waa Maxay Git?
Git waa nidaam version control ah oo taariikhda code-kaaga xafida: isbeddel walba, cidda samaysay, waqtiga la sameeyay, iyo sida dib loogu noqon karo.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.