artificial-intelligence

Waa Maxay ChatGPT?

ChatGPT waa chatbot AI ah oo shirkadda OpenAI samaysay, kuna dhisan models-ka GPT. Waa AI-ga ugu caansan adduunka, wuxuuna 2022 dadka caadiga ah u furay AI-ga.

Sidoo kale loo yaqaan
ChatGPT-ga, GPT, OpenAI ChatGPT

Sharaxaad

ChatGPT waa interface: waxaad la sheekaysataa, model-ka GPT ee ka dambeeyaa jawaabaha soo saara. Waxaad u isticmaali kartaa qoraal, tarjumaad, xisaab, code, sawir sameyn iyo research. Models-ka cusub waa reasoning models: intaanay jawaabin way ka fikiraan, sidaas ayayna su'aalaha adag ugu fiican yihiin.

Developers-ka, OpenAI waxay siisaa API: application-kaaga waxaad ku xiraysaa models-ka GPT si uu chat, summary ama AI features u yeesho. Lacagta tokens ayaa lagu xisaabiyaa. Waxa ChatGPT gaar ahaan lagu amaano waa sawir sameynta iyo image editing-ka: thumbnails-ka video-yada Dugsiiye ee ugu dambeeyay dhammaan ChatGPT ayaa sameeyay.

Tusaale

Prompt: "Waxaad tahay macallin JavaScript. Ii sharax closure Af-Soomaali, tusaale code ah ku dar." ChatGPT wuxuu soo saaraa sharaxaad iyo code. Waxaad sii weydiin kartaa su'aalo, sheekaduna way sii socotaa, sababtoo ah context-ka sheekada ayuu hayaa.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Sida GPT iyo models-ka kale application lagu dhiso, OpenAI API, RAG iyo agents: AI Engineering Masterclass. Aasaaska: Waa Maxay LLMs?.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

ChatGPT 5 isbarbardhig 0:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

ChatGPT bilaash ma yahay?
Qayb bilaash ah wuu leeyahay oo models-ka yaryar isticmaasha. Plan-ka lacagta leh wuxuu ku siinayaa models-ka ugu fiican, sawir sameyn badan iyo tools dheeraad ah.
ChatGPT ma qaldamaa?
Haa, hallucination wuu sameeyaa: wax buu iska sheegaa isagoo aan ogayn inay sax yihiin. Wixii uu ku sheego iska hubi, gaar ahaan xisaabta iyo xaqiiqooyinka.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska