Waa Maxay Git & GitHub
Git waa version control system – waa nidaam lagu maamulo code iyo isbeddelladiisa. Marka developer uu wax ka beddelo code, Git wuxuu xafidaa taariikhda isbeddelkaas (commit), si hadhow loo arko waxa la beddelay,

Git waa version control system – waa nidaam lagu maamulo code iyo isbeddelladiisa. Marka developer uu wax ka beddelo code, Git wuxuu xafidaa taariikhda isbeddelkaas (commit), si hadhow loo arko waxa la beddelay, cidda beddeshay, iyo goorta la beddelay. Git wuxuu kuu oggolaanayaa inaad sameyso branches kala duwan oo code lagu tijaabiyo, adigoon dhibaatayn project-ga. Markii la hubiyo, branch-fa waa la merge-gareeyaa, si loogu daro branch weyn ee project-ga.
GitHub se waa meel online ah oo lagu kaydiyo, laguna wadaago repos-ka Git. Waa halka ay developers-ku ay ku wada shaqeeyaan, kuna dhisaan mashruucyo caalami ah. GitHub wuxuu kuu oggolaanayaa inaad sameyso pull requests (PR), halkaas oo code-kaaga la hubinayo ka hor inta aan lagu darin project-ga.
Bal qiyaas inaad qoreyso buug. Git waa qalinka iyo buugga kuu oggolaanaya inaad nuqul kasta oo wax laga beddelo keydiso, si hadhow loo fiiriyo “chapter 2 markii hore sidee u qornayd?”. GitHub waa maktabad weyn oo dadka kale ku kaydin karaan buuggaaga, iyagoo sidoo kale kugula talin kara isbeddello cusub, qaarna xitaa kuu qoraya cutubyo cusub oo aad ku darayso.
Git waa taariikhda code-kaaga, GitHub waa guriga uu code-kaagu ku nool yahay. Qof kasta oo developer ah waa inuu bartaa Git & GitHub, sababtoo ah software casri ah laguma dhisi karo keli, ee waxaa lagu dhisaa wada shaqeyn iyo version control.
More Reading
More like this.
DevOps & CloudWaa Maxay MLOps
MLOps waa habka isku xira sayniska xogta (Data Science) iyo maamulka software-ka. Haddii Data Science-ku yahay dhisidda moodalka AI-ga, MLOps waa farsamada hubinaysa in moodalkaas uu si joogto ah ugu shaqeeyo dunida dhabta ah.
DevOps & CloudWaa Maxay Docker iyo Containerization
Docker iyo Containerization waa kacaanka ugu weyn ee dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay dhinaca software-ka. Waa farsamo u oggolaanaysa in app-kaaga iyo wax walba oo uu u baahan yahay
DevOps & CloudWaa Maxay Cloud Computing
Haddii aan dib ugu noqono waayihii hore, software kasta iyo xog kasta waxaa lagu kaydin jiray kombiyuutar qof leeyahay — server yar ama mid weyn oo xafiis yaal.


