
Dugsiiye waa madal online ah oo lagu barto Software Engineering, balse aan ahayn meel kaliya laga daalacdo casharro. Waa goob ay aqoonta iyo hagistu is raacaan — meel uu ardaygu ka helo koorsooyin tayo leh, hagid joogto ah, iyo caawinaad toos ah oo ay bixiyaan macallimiin iyo mentors khibrad leh. Dugsiiye waa nidaam loo dhisay in qof walba uu si dhab ah u barto xirfadaha software-ka, isagoo mar kasta helaya taageero joogta ah iyo dhiirrigelin dhab ah oo ka timid bulsho waxbarasho wadaag ah.
Waxaa hadda la bilaabay Dugsiiye Ambassador Program — barnaamij loogu talagalay dadka jecel inay waxbarashada iyo hal-abuurka gaarsiiyaan bulshada inteeda kale. Waa fursad uu qof walba ku noqon karo codkii Dugsiiye ee bulshada dhexdeeda, isaga oo dadka kale u horseedaya waxbarasho tayo leh, isla markaana kasbanaya dakhli joogto ah.
Fikradda barnaamijkan waa mid dhiirrigelisa in la wada-faa’iido: qof kasta oo aad ku soo xerto Dugsiiye, waxaad ku kasbanaysaa komishan (commission) iyadoo ku xiran tirada dadka kugu soo biira.
Nidaamku waa sidan: 1–10 qof = 10% 11–25 qof = 12% 26–50 qof = 15% 51–100 qof = 20% 101+ qof = 25%
Marka aad faafiso fursadda waxbarasho, waxaad helaysaa abaalmarin. Inta qof ee aad gaarsiiso, waa inta aad kasbanayso. Waa nidaam dhiirrigelinaya hal-abuurka, isku xirnaanta bulshada, iyo in waxbarashadu noqoto dhaqdhaqaaq wadajir ah.
Ambassador-ka Dugsiiye wuxuu helayaa dashboard gaar ah oo uu ku arko natiijooyinkiisa si real time ah — sida tirada dadka soo galay, gujisyada (clicks), iyo dakhliga uu kasbaday. Waxa kale oo uu helayaa fursado gaar ah sida discount codes, early access koorsooyin cusub, iyo bonusyo loogu talagalay kuwa dadaalka badan.
Barnaamijkan uma xaddidna qof gaar ah. Waxaa lagu soo dhoweynayaa qof kasta oo bulshada saameyn ku leh ama xiiseeya waxbarashada iyo tiknoolajiyada: ha ahaado influencer, content creator, macallin, ama arday. Waxa keliya ee muhiimka ah waa inaad rumeysan tahay in waxbarashadu tahay waddo lagu beddelo nolosha dadka.
Dugsiiye waxay aaminsan tahay in waxbarashadu aanay ku koobneyn qof keliya, balse ay tahay safar ay bulsho wada gasho. Ambassador-ka Dugsiiye waa qof ka dhiga barashada dhaqdhaqaaq— qof wax barta, wax bara, isla markaana bulshada u horseeda mustaqbal digital ah.
Haddii aad jeceshahay waxbarashada, bulshada, iyo hal-abuurka — Dugsiiye Ambassador Program waa meeshii lagugu sugayay. Waxaa lagu abaalmariyaa saameyntaada, waxaana laguu aqoonsanayaa hormuud dhab ah oo bulshada u horseeda jiil digital ah.
Ku soo biir maanta barnaamijka Dugsiiye Ambassador: 👉 https://www.dugsiiye.com/ambassador


