Waa Maxay DevOps
DevOps waa eray ka kooban laba: Development iyo Operations. Waa falsafad iyo hab shaqo lagu mideeyo kooxda horumarinta software-ka iyo kooxda maamula nidaamyada (operations).

DevOps waa eray ka kooban laba: Development iyo Operations. Waa falsafad iyo hab shaqo lagu mideeyo kooxda horumarinta software-ka iyo kooxda maamula nidaamyada (operations). Halkii hore ay koox kastaa gooni u shaqeyn lahayd, DevOps wuxuu abuuraa isku xirnaan, wada shaqeyn, iyo automation si software si dhakhso leh loo dhiso, loo tijaabiyo, loona daabulo (deploy).
Fikradda ugu weyn ee DevOps waa in software uusan dhammaan marka code la qoro, balse uu yahay safar joogto ah: code → test → deploy → monitor → feedback → update. Halkan waxaa ka shaqeeya CI/CD (Continuous Integration & Continuous Deployment), taas oo macnaheedu yahay in code cusub mar kasta si otomaatig ah loo tijaabiyo, kadibna loo daabulo iyadoo aan waqtiga la lumin.
Qalabyada DevOps ugu caansan:
Docker iyo Kubernetes: si loo kala qaybiyo software-ka looguna run gareeyo meel kasta. Jenkins iyo GitHub Actions: si otomaatig loogu sameeyo CI/CD pipelines. AWS, Azure, Google Cloud: si software loogu deployed gareeyo cloud halkii uu kaliya server maxalli ah ka shaqeyn lahaa. Prometheus iyo Grafana: si loo kormeero software-ka iyo waxqabadkiisa.
Bal qiyaas makhaayad. Kooxda cunto karisa (development) waxay diyaarisaa cunto cusub. Kooxda adeegga (operations) waa inay si degdeg ah ugu geeyaan macaamiisha. Haddii labada koox si fiican u wada shaqeeyaan, cunto kastaa si dhakhso leh ayuu macaamiisha u gaaraa. DevOps waa habka makhaayadda lagu hago si aysan cuntooyinku u daahin, uusan khilaaf uga dhicin kooxda jikada iyo kooxda adeegga.
Marka Soomaaliya la eego, DevOps waa meel aan weli si fiican loo tixgelin. Mashruucyo badan waa code kaliya, oo markay deployment timaaddo waxaa ka dhasha cilado iyo gaabis. Haddii ganacsiyada yaryar iyo startups ay qaataan falsafadda DevOps, waxay awoodi karaan inay software si dhakhso ah suuqa u geeyaan, khaladaadna isla markiiba u saxaaan. Taasi waxay kordhin kalsoonida isticmaalayaasha, waxayna hoos u dhigi kharashka.
DevOps waa isku darka horumarinta iyo maamulka nidaamyada. Waa hanaanka keena software joogto ah, otomaatig ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
More Reading
More like this.
DevOps & CloudWaa Maxay MLOps
MLOps waa habka isku xira sayniska xogta (Data Science) iyo maamulka software-ka. Haddii Data Science-ku yahay dhisidda moodalka AI-ga, MLOps waa farsamada hubinaysa in moodalkaas uu si joogto ah ugu shaqeeyo dunida dhabta ah.
DevOps & CloudWaa Maxay Docker iyo Containerization
Docker iyo Containerization waa kacaanka ugu weyn ee dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay dhinaca software-ka. Waa farsamo u oggolaanaysa in app-kaaga iyo wax walba oo uu u baahan yahay
DevOps & CloudWaa Maxay Docker
Docker waa tiknoolajiyo beddeshay sida software-ka loo dhiso, loo tijaabiyo, loona deploy gareeyo. Haddii hore lagu tiirsanaa virtual machines (VMs) oo culus, Docker wuxuu keenay fikradda containers —goob uu barnaamijkaagu


