Waa Maxay AI Agent? Farqiga u dhexeeya Chatbot iyo Agent
AI agent meel walba ayaa looga hadlayaa. Qoraalkan waxaad ku fahmaysaa waxa agent yahay, sida uu shaqada kuugu qabto, iyo goorta aad u baahan tahay agent iyo goorta chatbot kugu filan yahay.
Meel walba waxaad ku maqashaa AI agent, AI agent. Waa maxay laakiin dhab ahaantii, muxuuse kaga duwan yahay chatbot-ka aad taqaanno? Qoraalkan ayaa kuu kala saaraya.
Kani waa qaybta 4aad ee taxanaha AI. Video ahaan halkan ka daawo:
Qaybaha hore waxaad ka bilaabi kartaa Waa Maxay AI?.
AI agent waa maxay?
AI agent waa software shaqo qabsanaya: hadaf ayaad u dirtaa, isaguna wuu sii shaqaynayaa ilaa uu shaqadaas kaaga dhammeeyo. Tusaale ahaan waxaad ku leedahay "wax hebel ii raadi". Ilaa uu waxaas ka soo helo, shaqadu way socotaa.
Laakiin model keligiis agent ma noqon karo. Model-ka Claude ama GPT haddii keligiis meel la istaajiyo, waa maskax aan gacmo lahayn. Waxa agent-ka awoodda siiya waa tools: gacmaha uu shaqada ku qabto. Tools-ka waxaa ka mid ah:
- Search: inuu internet-ka wax ka baaro ama files-kaaga wax ka raadiyo
- Click: inuu computer-ka wax ku sameeyo
- Document: inuu wax kuu qoro ama kuu check-gareeyo
Afartaas keliya ma aha: agent-ku wuxuu lahaan karaa boqol tool ama in ka badan.
Farqiga chatbot iyo agent
Chatbot-ka: su'aal ayaad weydiisaa, hal jawaab buu ku siiyaa. Tusaale ahaan waxaad ku leedahay "hadiyad wanaagsan oo aan hooyaday siiyo ii sheeg". Talooyin buu kuu soo jeedinayaa, meeshaas ayayna ku dhammaanaysaa.
Agent-ka: waxaad ku leedahay "ii raadi hadiyad aan hooyaday siiyo oo ka yar 50 doollar". Markaas agent-ku waa inuu suuqa galo, websites badan booqdo, hadiyado isu barbardhigo, kadibna kuu keeno midda ugu macquulsan ee tayada leh. Shaqo buu qabtay, ma aha jawaab keliya.
Loop-ka: sida agent-ku u shaqeeyo
Agent-ku wuxuu ku shaqeeyaa loop ama wareeg:
- Shaqo buu qabtaa (tusaale ahaan search)
- Natiijada buu fiiriyaa
- Wuxuu isweydiiyaa: hadafkii ma la gaaray?
- Haddii la gaaray, wuu joojiyaa oo jawaabta kuu keenaa. Haddii kale, dib buu u bilaabaa
Wareeggaas ayaa socda ilaa shaqada la dhammeeyo. Hal shaqo oo aad dirtay, waxaa laga yaabaa inuu boqol tool isticmaalo oo boqolaal jeer wareego. Code-ka waaweyn markii la qorayo, waxaa laga yaabaa inuu saacado socdo. Taasi waa waxa agent-ka ka dhigaya mid powerful ah.
Goorma chatbot, goorma agent?
Chatbot isticmaal marka:
- Aad rabto jawaab degdeg ah: "caasimadda Soomaaliya waa maxay?"
- Concept lagu fahamsiiyo ama sharaxaad aad rabto
- Ideas iyo brainstorming aad samaynayso
Agent isticmaal marka:
- Shaqadu tahay multiple steps: wax la raadiyo, la isu barbardhigo, go'aan la gaaro
- APIs ama accounts real ah ee lagu shaqaynayo: wax laguu dalbo, email laguu diro, trip laguu book-gareeyo
- Verification loo baahan yahay: dalabkii ma la diray? Email-kii ma dhacay?
Su'aalo badanaa la weydiiyo
Agent-ku wax ma ii iibin karaa? Haa, waddamada horumaray caadi ayaa loo isticmaalaa: agents dalabka sameeya, qiimaha isu barbardhiga. Risk-ka adigaa leh, marka waxaad u ogolaanaysaa inta aad ku kalsoon tahay.
Sidee ayaan agent u tijaabin karaa? Claude ama ChatGPT ku tijaabi shaqo multiple-step ah, tusaale ahaan "flight ii raadi taariikhdan, hotel-na ii soo fiiri". Waxaad arkaysaa sida uu u wareegayo ilaa uu jawaab dhammaystiran kuu keeno.
Qaybta xigta
- Qaybta 5aad: Sidee Loo Bartaa AI 2026?
- Dib ugu noqo: Waa Maxay LLMs?
Haddii aad rabto inaad adigu dhisto agents, AI Engineering Masterclass waxaad ku dhisaysaa multi-agent system real ah, Agentic Coding with Claude Code waxaadna ku baranaysaa sida agents-ka loogu shaqaysto coding-ka. Waddada oo dhan: Mentorship-ka Dugsiiye.
More Reading
More like this.
Artificial IntelligenceSida Loo Yareeyo Token-ka Claude Code
Waa run in Claude Code limit-kiisa ciyow la gaaro, gaar ahaan haddii aad isticmaasho plans-ka yar-yar sida midka 20-ka dollar ah. Laakiin inta badan caqabadu waxay noqon kartaa sida aad u isticmaasho.
Artificial IntelligenceLLM Models-ka ugu fiican ee coding
Ranking cusub ee LM Arena wuxuu muujinayaa sida ay AI models-ku maanta u kala awood badan yihiin, gaar ahaan dhinaca coding-ka iyo xalinta dhibaatooyinka adag. Waxa ugu yaabka badan waa in 10-ka model ee ugu sarreeya ay si weyn u maamulayaan models-ka shirkadda Anthropic ee Claude Opus.
Artificial IntelligenceAI Tools-ka Developers-ka
Ai tools fara badan ayaa jira hadana hadan soo qaadano kuwooda ugu muhiimsan ka developer ahaan waa kuwan:. Qof kasta oo developer ah maanta wuu ogyahay in AI uu noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada maalinlaha ah.