web-development

Waa Maxay domain?

Domain waa magaca website-kaaga ee dadku browser-ka ku qoraan, sida dugsiiye.com. Waa magac la xasuusan karo oo lagu beddelay cinwaanka lambarrada ah ee server-ka.

Sidoo kale loo yaqaan
domain, domain-ka, domain-yada, domain name

Sharaxaad

Server kastaa cinwaan IP ah ayuu leeyahay, waana lambarro. Qofna lambarro ma xafidayo, sidaas darteed ayaa domain-yada loo sameeyay. DNS ayaa turjumaadda qabta: markaad magaca qorto, DNS wuxuu eegaa server-ka uu tilmaamayo, kadibna boggu wuu soo baxaa.

Domain-ka waa la kiraystaa, weligiis lama iibsado: sannad walba ayaad cusboonaysiisaa. Waxaad ka qaadataa shirkad domain-yada iibisa, kadibna waxaad ku xirtaa hosting-ka ama cloud-ka adigoo beddelaya name servers-ka ama records-ka DNS-ka. Isbeddelku wuxuu qaadan karaa saacado.

Qaybta u dambaysa ee magaca, sida .com ama .so, waxaa la yiraahdaa TLD. Marka aad magac dooranayso, ku aadi: gaaban, mid sahlan oo la qori karo, oo aan calaamado badan lahayn. Marka website-ka la saaro, HTTPS ayaa lagu daraa si xogta u sirroobto.

Tusaale

dugsiiye.com: dugsiiye waa magaca, .com waa TLD-ga. Bogagga kale isla domain-kaas ayay ka baxaan, sida dugsiiye.com/blog. Waxaa kale oo jira sub-domain, sida api.example.com, oo isla domain-ka laakiin adeeg kale u socda.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Domain, hosting iyo sida website-ka ugu horreeya internet-ka loo saaro: HTML, CSS, Tailwind & GitHub: Ship Your First Website.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Hordhaca Koorsada PHP for Professionals 1:15

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Domain weligiis ma la iibsadaa?
Maya, waa kiro sannadeed. Haddaadan cusboonaysiin, qof kale ayaa qaadan kara. Cusboonaysiinta otomaatiga ah ayaa ugu ammaan badan.
Domain iyo hosting ma isku mid baa?
Maya. Domain waa magaca, hosting-na waa meesha file-ashaaga iyo code-kaagu ku shaqeeyaan. Labadaba waad u baahan tahay, laakiin shirkado kala duwan ayaad ka qaadan kartaa.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska