Waa Maxay Cursor?
Cursor waa code editor AI ah oo VS Code ku dhisan. Wuxuu code-kaaga sii saadaaliyaa, wuu beddelaa, agent ahaanna project-ka oo dhan wuu ka shaqayn karaa.
Sidoo kale loo yaqaan
Cursor AI, Cursor-ka, Cursor editor
Sharaxaad
Cursor interface ahaan wax badan kama duwana VS Code, laakiin AI-ga ayaa gudaha ku dhex jira. Tab wuxuu sii saadaaliyaa code-ka aad qorayso, function dhan hal mar ayuu kuu qorayaa. Cmd K waxaad code calaamadaysaa oo ku tidhaahdaa "refactor" ama "make it modern". Chat iyo Agent task ayaad u diraysaa: files-ka wuu akhriyaa, terminal commands wuu fuliyaa, wax walba isagaa xallinaya. Cursor rules waa file xeerarka project-kaaga ku qoran, si mar walba u raaco. Docs waad ku dari kartaa si uu framework cusub u fahmo, indexing-na code-kaaga oo dhan wuu habeeyaa.
Runta: Cursor wuxuu awood xoog leh siiyaa dadka fahamsan waxa ay samaynayaan. Qofka aan code fahmayn, landing page ayuu u dhisi karaa, laakiin project real ah maamulkiisa iyo cilad-bixintiisu faham ayay u baahan yihiin. Isbarbardhig aan sameeyay, Cursor oo Grok wata wuxuu app ku dhammeeyay 47 daqiiqo: speed ahaan waa kan ugu fiican.
Tusaale
Comment ayaad qortaa: "form to register student". Tab ayaad dhahaysaa, form dhammaystiran ayuu kuu samaynayaa: name, email, phone iyo button-ka. Kadib Cmd K, "make it beautiful and modern", style-ka isla meesha ayuu ku beddelayaa.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
Crash course bilaash ah: Baro Cursor AI Af-Soomaali. Habka agentic coding oo buuxa: Agentic Coding with Claude Code.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Cursor AI Crash Course Af-Soomaali 0:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- Cursor bilaash ma yahay?
- Trial laba week ah iyo requests xaddidan ayaa bilaash ah. Kadib 20 doollar bishii, oo 500 fast premium requests leh.
- Cursor mise Claude Code?
- Cursor waa editor buuxa, speed-na wuu ku fiican yahay. Claude Code waa tool CLI ah oo agents, skills iyo MCP ku shaqeeya, smart-nimo iyo quality-na wuu ku fiican yahay. Labadaba barashadoodu waa faa'iido.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay Claude Code?
Claude Code waa coding agent Anthropic sameysay oo terminal-kaaga ka shaqeeya. Project-ka wuu akhriyaa, files wuu beddelaa, commands wuu fuliyaa, waana ku sii socdaa ilaa shaqada aad u dirtay ay dhammaato.
Waa Maxay agentic coding?
Agentic coding waa hab software lagu dhiso iyadoo AI agent shaqo dhammaystiran loo dhiibo: files-ka wuu akhriyaa, code wuu qoraa, commands wuu fuliyaa, wuu tijaabiyaa, oo ilaa shaqada dhammaato wuu shaqeeyaa. Adigu waxaad tahay engineer-ka qorsheeya oo hubiya.
Waa Maxay vibe coding?
Vibe coding waa qaab AI-ga lagu yiraahdo "application-kan ii dhis", kadibna wixii uu soo saaro la aqbalo, code-ka la akhriyin, lana fahmin. Natiijada ayaa la fiiriyaa, ma aha habka.
Waa Maxay prompt?
Prompt waa qoraalka aad AI-ga u dirto: su'aasha, amarka ama sharaxaadda shaqada aad rabto inuu qabto. Prompt-ka aad siiso ayaa go'aaminaya jawaabta aad helayso.