software-engineering

Waa Maxay container?

Container waa xirmo lagu wada galiyo barnaamijkaaga iyo wax walba oo uu u baahan yahay, si uu meel kasta isku si ugu shaqeeyo. Docker ayaa tool-ka ugu caansan ee containers-ka lagu sameeyo.

Sidoo kale loo yaqaan
container, container-ka, containers, containers-ka

Sharaxaad

Dhibaatada qadiimiga ah waa "computer-kayga wuu ka shaqeeyaa". Version-ka Node.js, library-yada nidaamka iyo qaabeynta ayaa computer walba ku kala duwan, marka isla code-kii meel wuu ka shaqeeyaa, meelna wuu ka dhacaa. Container-ku wuxuu qaadaa code-ka, dependencies-ka iyo settings-ka oo dhan, hal image ayuu ka dhigaa. Image-kaas laptop-ka, server-ka iyo cloud-ka isku si ayuu uga socdaa.

Marka containers-ku badnaadaan, waxaa loo baahdaa orchestration: kan goorma la kicinayaa, kanna goorma la deminayaa? Marka dadku bataan, container dheeraad ah ha loo daro; markay yaraadaanna ha la demiyo. Kubernetes ayaa tool-ka arrintaas ugu caansan, cloud-yada waaweyn sida AWS, Azure iyo Google Cloud-na dhammaantood way taageeraan.

Ogow: container ma aha virtual machine. VM-ku wuxuu wataa nidaam qalliin oo dhan, culaysna wuu leeyahay. Container-ku wuxuu la wadaagaa kernel-ka computer-ka, sidaas darteed wuu fudud yahay oo isla markiiba ayuu ku kacaa.

Tusaale

FROM node:20 WORKDIR /app COPY . . RUN npm install CMD ["npm", "start"]

Shan sadar: image bilow, code-ka ku shub, packages-ka soo shub, kadibna app-ka kici. Amarradaas laptop-kaaga iyo server-ka natiijo isku mid ah ayay ka keenayaan.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Docker, containerize-garaynta iyo cloud-ka waxay ku jiraan qaybta dambe ee barnaamijka Full Stack AI Engineer. Xirfadaha xilligan la doonayo: Xirfadaha 2026.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Cloud Computing iyo Infrastructure Design 14:00

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Container iyo virtual machine farqigoodu waa maxay?
VM-ku nidaam qalliin oo dhan ayuu wataa, memory badanna wuu qaataa. Container-ku kernel-ka ayuu la wadaagaa computer-ka, sidaas darteed wuu fudud yahay oo dhakhso ayuu u kacaa.
Docker ma baranayaa bilowga?
Maya. Marka hore app dhis oo internet-ka saar. Docker waxaad u baahanaysaa marka team ku biirto ama markaad rabto in server-ka iyo laptop-ku isku si u shaqeeyaan.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska