
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Sahra Iidle, oo noqotay ardaydii kaalinta koowaad ka gashay Bootcamp-kii Data Science & Machine Learning ee ay soo qabanqaabisay Dugsiiye.
Bootcamp-kan wuxuu socday muddo gaaban—hal bil oo kaliya—balse waxa uu ahaa mid dhigma barnaamijyo bilo badan lagu dhammayo. Si kastaba, dadaalka, adkeysiga, iyo rabitaanka ardayda ayaa ka dhigay mid lagu guuleystay, Alle mahaddiina barnaamijkii si guul ah ayuu ku soo idlaaday.
Aragtida uu ku dhisnaa Bootcamp-ku waxay ahayd mid dhiirrigelin iyo iskaashi ah:
“Haddii aan tartanno, mid ayaa guuleysan; laakiin haddii aan isku faa’iideyno, dhammaanteen waan guuleysaneynaa.”
Fikraddaas ayaa ahayd laf-dhabarta program-ka, taasoo beddeshay qaabka caadiga ah ee tartanka. Qiimeyntu kuma saleysneyn imtixaan ama project difaacasho kaliya, balse waxaa lagu qiimeeyay commitment, si ay ardayda u muujiyaan firfircooni, caawin, iyo masuuliyad. Sahra aragtidaas ayay ku dabaqday — waxay ahayd arday firfircoon, caawisa ardayda, kana qayb qaadatay xalinta ciladaha (debugging), iyo dhameystirka hawl kasta waqtigeeda.
Intii uu barnaamijku socday, Sahra waxay si dhammeystiran u gudatay dhammaan waajibaadkeedii:
Ka qaybgalka live Zoom sessions iyo video lessons duuban Dhameystirka assignments iyo quizzes Caawinta ardayda kale iyo ilaalinta wadajirka kooxda Dhammeystirka final project-kii qalin-jebinta
Dadaalkaas iyo joogteynta ay muujisay ayaa sabab u noqday in Dugsiiye ay ku maamuusto abaalmarin gaar ah — Full Scholarship Mentorship ee Software Engineering (Full Stack Track) — si ay safarkeeda xirfadeed u sii waddo.
Ardaydii kale ee Bootcamp-ka qaybta ka ahayd, dhammaantood waxay heleen fursad qiimo leh oo ay si bilaash ah ugu barteen xirfadaha aasaasiga ah ee Data Science iyo Machine Learning. Muddo bil gudaheed ayay dhiseen projects la taaban karo, barteen sida ML models loo dhiso loona deploy gareeyo, iyo sida loogu xiro frontend interfaces si natiijooyinka loo arki karo.
Qaabka Dugsiiye u dhistay Bootcamp-ka wuxuu ahaa practice-based learning — taasoo micnaheedu yahay in barashadu aysan ku ekaan theory, balse arday kasta uu si dhab ah u dabaqayay fikrad kasta oo uu bartay.
Sahra waxay tusaale u tahay sida dadaalka joogtada ah iyo rabitaanka barasho ay u horseedi karaan fursad weyn. Safarkeeda cusub ee Full Stack Software Engineering Mentorship waa bilow kale oo guul leh.
Hambalyo mar kale, Sahra Iidle.


