Injineernimada Ka Dambeysa YouTube
YouTube waa madal aad u weyn, waxaana maalin kasta la soo geliyaa muuqaallo aad u farabadan. Mareegtan waxay maamushaa tiro aad u badan oo isticmaaleyaal iyo faylal ah, taas oo u baahan injineernimo heer sare ah si wax walba si habsami leh ugu shaqeeyaan.

YouTube waa madal aad u weyn, waxaana maalin kasta la soo geliyaa muuqaallo aad u farabadan. Mareegtan waxay maamushaa tiro aad u badan oo isticmaaleyaal iyo faylal ah, taas oo u baahan injineernimo heer sare ah si wax walba si habsami leh ugu shaqeeyaan. Baaxadda xogta ay maamusho YouTube waa mid aad u weyn. Daqiiqad kasta waxaa la soo geliyaa 500 saacadood oo muuqaal ah, taas oo ka dhigan 30,000 saacadood oo muuqaal ah hal saac gudaheed. Haddii aad rabto inaad daawato kaliya muuqaallada la soo geliyey hal saac gudaheed, waxaad u baahan lahayd in ka badan saddex sano oo daawasho aan kala joogsi lahayn. Hal maalin gudaheedna waxaa la soo geliyaa 720,000 saacadood oo muuqaal ah, taas oo u dhiganta qiyaastii 82 sano oo muuqaal ah.
Marka muuqaal la soo geliyo, YouTube ma kaydiyo hal fayl oo keliya. Wuxuu u diyaariyaa noocyo kala duwan oo ku habboon aalado iyo xawaareyaal internet oo kala duwan. Habkan waxaa loo yaqaan transcoding, waxaana hal muuqaal laga abuuri karaa tobanaan faylal kala duwan oo leh tayooyin iyo cabbirro kala duwan. Intaa waxaa dheer, YouTube wuxuu sameeyaa backups oo ah nuqullo kayd ah oo dheeraad ah si xogtu u badbaado. Sidaas darteed, hal muuqaal oo keliya ayaa qaadan kara space aad u badan. Qiyaaso kala duwan ayaa muujinaya in hal maalin oo keliya muuqaallada la soo geliyo ay u baahan karaan petabytes badan oo storage cusub ah.
Si loo maareeyo baahidan weyn ee kaydinta, Google oo iska leh YouTube waxay leedahay xarumo xogeed waaweyn oo ku kala yaalla dunida. Waxa kale oo ay adeegsadaan farsamooyin sida compression si loo yareeyo cabbirka faylasha iyadoo tayada muuqaalladu aanay si weyn u lumin. Laakiin kaydinta oo keliya ma aha caqabadda jirta. Isticmaalayaasha YouTube waxay maalin kasta daawadaan in ka badan hal bilyan oo saacadood, sidaas darteed Google waxay leedahay shabakad weyn oo fiber optic ah oo isku xirta xarumaheeda xogta ee ku kala yaalla dunida.
Marka aad furto muuqaal, YouTube kama keeno meel aad kaaga fog. Badalkeed, wuxuu nuqullo ka sameeyaa muuqaallada caanka ah oo uu ku kaydiyaa xarumo xogeed u dhow isticmaalayaasha. Nidaamkan waxaa loo yaqaan Content Delivery Network (CDN), wuxuuna sababaa in muuqaalladu si degdeg ah u furmaan. YouTube wuxuu sidoo kale si joogto ah ula socdaa xawaaraha internet-kaaga. Haddii internet-ku gaabis noqdo, wuxuu si toos ah hoos ugu dhigaa tayada muuqaalka si daawashadu aysan u istaagin.
Dhammaan xogta ku jirta YouTube isku nooc ma aha. Faylasha waaweyn ee muuqaalka waxaa lagu kaydiyaa nidaam weyn oo loo yaqaan Colossus, halka xogta yaryar sida title-ka, description-ka, comments-ka, iyo tirada daawashada lagu kaydiyo nidaamyo kale oo gaar ah. Tusaale ahaan, teknoolajiyooyinka sida Bigtable iyo Spanner waxaa loo isticmaalaa noocyo kala duwan oo xog ah oo u baahan xawaare iyo saxnaan sare. Sababtaas awgeed, marka aad muuqaal furto, xogta qoraalka ah sida cinwaanka iyo tirada daawashada ayaa markiiba soo baxa, iyada oo aan wali muuqaalku soo bixin.
Dhammaan arrimahan waxay muujinayaan in dhisidda madal sida YouTube ay u baahan tahay wax ka badan qorista koodhka. Waxaa loo baahan yahay system design heer sare ah, shabakado caalami ah oo xawaare sare leh, iyo qalab awood leh si adeeggu ugu shaqeeyo si deggan oo hufan. Sababahaan ayuu software engineering u jiraa, maadaama nidaamyada qaar aysan ku filneen software development keliya.
Mohamud Osman
A seasoned software engineer with over 11 years of experience in full-stack development. Mohamed has founded multiple successful startups including Dugsiiye and Imagingface, and has mentored thousands of developers worldwide. His expertise spans from frontend technologies like React and Next.js to backend systems, DevOps, and AI/ML applications.
More Reading
More like this.
AI EngineeringSidee Loo Noqdaa AI Engineer
Sanadihii u dambeeyay, Garaad Gacmeedku wuxuu noqday mid ka mid ah tiknoolajiyada ugu kobaca badan dunida. Shirkado waaweyn iyo kuwo yaryarba waxay maanta raadinayaan AI Engineers si ay u dhisaan nidaamyo caqli badan oo xalliya dhibaatooyin dhab ah.
SoftwareWaa Maxay Load Balancing
Load Balancing (Dheellitirka Xamuulka) waa farsamo muhiim ah oo loo isticmaalo in lagu qaybiyo taraafikada (traffic) ama codsiyada soo galaya server-yada kala duwan. Ujeeddada ugu weyn waa in looga hortago in hal server

