software-engineering

Waa Maxay debugging?

Debugging waa raadinta iyo hagaajinta ciladaha code-ka: meesha ciladdu ka jirto ayaad ogaanaysaa, sababta ayaad fahmaysaa, kadibna waad saxaysaa.

Sidoo kale loo yaqaan
debugging, debugging-ka, debug, debugger

Sharaxaad

Luqadaha interpreter-ka isticmaala, sida JavaScript iyo Python, code-ka sadar sadar ayaa loo fuliyaa. Sadarka koowaad waa la fuliyaa, kan labaadna waa la fuliyaa, ilaa la gaaro sadarka ciladda leh. Markaas ayuu kuu sheegayaa halka ciladdu ka jirto, taasna debugging-ka way fududaysaa. Luqadaha compiler-ka isticmaala, sida C++, file-ka oo dhan ayaa marka hore la eegaa, hal cilad haddii la helona waxba lama fulinayo.

Qalabka aasaasiga ah waa saddex. Kow, console.log ama print: qiimaha variable-ka ayaad daabacdaa si aad u aragto halka wax ka lumeen. Laba, debugger-ka editor-ka: breakpoint ayaad dhigtaa, barnaamijkana waad joojisaa oo sadar sadar u socodsiisaa. Saddex, fariinta ciladda: akhri, ha ka boodin. Inta badan waxay kuu sheegaysaa file-ka iyo sadarka.

Habka ugu wanaagsan waa isku soo yaraynta. Cilad meel kasta ha ka raadin: hal qayb dami oo tijaabi, kadib mid kale, ilaa aad meesha go'an gaarto. Marka aad hesho, isweydii sababta ay u dhacday si aanay dib u soo noqon.

Tusaale

console.log("user:", user);

Sadarkan wuxuu kuu sheegayaa in user-ku jiro iyo in kale intaadan isticmaalin. Cilad la yiraahdo "cannot read properties of undefined" inta badan waxay ka timaaddaa in shay aad filaysay uusan jirin.

Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?

Ciladaha JavaScript, async iyo DOM-ka: JavaScript Masterclass. Interpreter iyo compiler oo si faahfaahsan loo sharxay: Ku Baro Python Af-Soomaali.

Video-ga

Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo

Interpreter vs Compiler 10:04

Koorsooyinka

Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa

Su'aalo

Su'aalaha badanaa la weydiiyo

Debugging-ku waqti badan ma qaataa?
Bilowga, haa. Waa xirfad kordha: markaad khaladaadka soo laalaabta barato, isla markiiba ayaad garan doontaa halka la eego.
AI-ga ma ii xallin karaa ciladda?
Wuu ku caawin karaa, laakiin waa inaad siisaa fariinta ciladda iyo code-ka la xiriira. Adigoo aan fahmin waxa dhacay, xalka lagu siiyo wuxuu noqonayaa mid ku meel gaar ah.

Ereyo la xiriira

Sii wad akhriska